Mareykanka oo baaq adag ka soo saaray colaadda Laascaanood iyo doorashada Somaliland

Dowladda Mareykanka ayaa soo saartay baaq dhinacyada ku dagaalamaya Magaalada Laascaanood looga dalbanayo in ay xabadda joojyaan, isla-markaana ay miiska wada hadalka isugu yimaadaan.

Bayaan ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa lagu sheegay in Washington ay ka walaacsan tahay xiisadda ka taagan magaaladaasi, iyadoona Washington ay ka digtay in colaaddaasi ay sii socoto, taa oo sida ay sheegtay ay ka faa'iideysan karaan kooxaha argagixisada.

Bayaanka ayaa lagu sheegay in Mareykanka iyo saaxiibada caalamiga, oo ay qayb ka yihiin dalalka deriska ay ku baaqayaan dejinta xiisadda, u hoggaansanaanta xabad joojinta iyo weliba in ay dib u bilaabaan wada hadal wax ku ool ah.

"Waxaan ugu baaqaynaa Somaliland inay dib u soo celiso ciidamadeeda ammaanka, si ay u muujiso sida ay uga go’an tahay mabaadii’daas, waxaana ugu baaqaynaa maleeshiyaadka ku sugan Laascaanood inay ka waantoobaan falalka guracan ee ka dhanka ah Ciidamada Somaliland." Ayaa lagu yiri bayaanka.

Bayaanka ayaa lagu sheegay "Waxaan taageersanahay ka qaybgalka wax ku oolka ah ee Dowladda Faderaalka Somaliya iyo imaatinka ergada odayaasha beelaha, waxaana soo dhaweynaynaa ballanqaadkii Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ee ahaa inuu wafdiga kula kulmayo Hargeysa."

Dhanka kale Mareykanka ayaa sheegay in uu ka walaacsan yahay dib u dhaca ku yimid Doorashada Madaxtinimada Somaliland, taas oo aad uga fog baa bayaanka lagu yiri waqtiga ku cad dastuurka Somaliland.

"Waxaa kale oo aanu walaac ka muujinaynaa in Doorashada Madaxtooyada Somaliland uu dib u dhac ku yimid, tan iyo November 2022, taas oo aad uga fog waqtiga ku cad dastuurka Somaliland." Ayaa lagu sheegay bayaanka.

Bayaanka ayaa lagu yiri "Waxaan ugu baaqaynaa Somaliland in ay dejiyaan jadwal cad, ayna sida ugu dhakhsaha badan u soo dhameystiraan doorashada."

Mareykanka ayaa ku hanjabay in uu qaadi doono tallaabooyin uu dal ku galka kaga joojinayo masuuliyiinta hadda amaba kuwii hore, ee loo arko in ay caqabad ku yihiin hannaanka geeddi-socodka ee dimoqraadiyadda Somaliya, oo ay qayb ka tahay Somaliland.

"Mareykanku waxa uu diyaar u yahay in uu isticmaalo awoodaha ku cad qodobka 212(a)(3)(c) ee Sharciga Socdaalka, si loo xadido bixinta fiisaha masuuliyiinta hadda ama hore ee Somaliya ama shakhsiyaadka kale ee la aaminsan yahay in ay masuul ka yihiin ama ku lug leeyihiin, waxa wax u dhimaya geeddi-socodka dimoqraadiyadeed Somaliya oo ay ku jirto Somaliland." Ayaa lagu yiri bayaanka.