Mareykanka oo baaq u diray Hoggaamiyeyaasha Siyaasadda Somaliya

Mareykanka ayaa saamileyda siyaasadda ugu baaqay inay is xakameeyaan, isla-markaana ay ka fogaadaan falalka hurinaya rabshadaha.

"Mareykanku wuxuu ku boorinayaa dhammaan daneeyeyaasha inay is xakameeyaan, oo ay ka fogaadaan falalka hurinaya rabshadaha ama xasillooni darrada." Ayaa lagu yiri qoraal lagu daabacay bogga Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho.

Mareykanka ayaa dhinacyada ku dhiirigeliyay inay ballanqaadaan inay sii wadi doonaan wada hadalada iyo iskaashiga lagu taageerayo nabadda iyo xasilloonida Somaliya.

"Waxaan ku dhiirigelinaynaa dhammaan dhinacyada inay ballanqaadaan wada hadal iyo iskaashi lagu taageerayo nabadda iyo xasilloonida Somaliya oo dhan." Ayaa lagu yiri qoraalka Safaaradda Mareykanka.

Somaliya ayaa wajaheysa xasillooni darro siyaasadeed, iyadoo ay Siyaasiyiinta Mucaaradku diidan yihiin muddo kororsiga Dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Khilaafka ka taagan arrimaha doorashooyinka dalka oo in muddo ahba soo jiitamayay ayaa xiisad siyaasadeed ka huriyay gudaha Somaliya, waxaana loo arkaa mid wiiqi kara dadaalada ay Soomaalidu hormuudka ka tahay ee lagu horumarinayo dowlad-dhiska, haddii uu sii socdo.

Siyaasiyiinta Mucaaradka ayaa dalbanaya in dalka laga qabto doorasho heshiis lagu yahay, laguna qabto waqtiga ugu yar, uguna macquulsan.

Mareykanka ayaa ka mid ah deeq-bixiyeyaasha ugu weyn ee Somaliya ka taageera dhinacyada amniga, xoojinta dowladnimada iyo arrimaha bani'aadantinimada.