Mareykanka oo duqayn kale ka gaystay Buuraleyda Calmiskaad

Mareykanka ayaa caawa fiidkii weerar xagga cirka ah ku qaaday goob ay maleeshiyada Daacish kaga sugneyd Buuraleyda Calmiskaad ee Gobolka Bari, sida uu sheegay Taliska Ciidanka Puntland.

Taliska ayaa sheegay in duqaynta oo ka dhacday aagga Barakallah ee Togga Baalade lagu dilay shan xubnood oo ka tirsan firxadka Daacish.

Taliska ayaa qoraal ku sheegay in duqaynta uu fuliyay Mareykanka, kaas oo isaga iyo Emirate-ka Carabta ay tan iyo bishii January Puntland ka taageerayay hawlgalka hawada.

"Duqayn ayaa lagu dilay ugu yaraan 5 ka mid ah firxadka argagixisada Daacish. Duqaynta oo ka dhacday aagga Barakallah ee Togga Baalade waxaa fuliyay saaxiibada Dowladda Puntland ee Mareykanka." Ayaa lagu yiri qoraalka.

Waa duqayntii labaad ee Mareykanka uu dhowr cisho gudahood uu ka gaysto galbeedka Buuraleyda Calmiskaad, oo ah meesha ay Daacish kaga sii harsan tahay Puntland.

Gelinkii dambe ee Arbacadii ayay ahayd, markii diyaaradaha dagaalka Mareykanka ay garaaceen fariisimo ay xubno ka mid ah maleeshiyada Daacish kaga sugnaayeen Ceelka Maragade ee Togga Baalade.

Ciidanka Puntland oo muddo 11 bilood oo xiriir ah guluf ku haya Daacishta Somaliya ayaa ku guuleystay in muddadii uu dagaalku socday ay maleeshiyadaasi ka saaraan qaybaha bariga iyo bartamaha ee Calmiskaad.

Daacishta Somaliya ayaa wajaheysa xaalad ciriiri ah, taas oo hubinti la'aan ka dhigeysa masiirkeeda dalka, sababtoo ah Puntland oo diidan in Daacish ay hesho fursad ay maleeshiyadeeda dib isaga soo abaabuli karaan.

Mareykanka ayaa u muuqdo mid sii kordhinaya duqaymaha uu Daacish kula beegsanayo dhulka yar ay maleeshiyadu baaqiga kaga sii tahay Buuraleyda Calmiskaad.