Mareykanka oo ka hadlay duqayn lagu dilay 13 ka tirsan Al Shabaab

Taliska Ciidamada Mareykanka ee Qaaradda Afrika (AFRICOM) ayaa ka hadlay duqayn xoogan, oo Sabtidii ay ka gaysteen duleedka Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose.

Duqaynta ayaa ka dambeysay, ka dib markii Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Jubbaland ay weerar ku qaadeen deegaanka Labi-kuus, oo 60km dhanka galbeed kaga toosan Magaalada Kismaayo. Labada ciidan ayaana halkaasi dagaal culus kula galay maleeshiyada Al Shabaab.

Taliska AFRICOM ayaa bayaan uu soo saaray lagu sheegay in duqaynta la fuliyay, ka dib codsi uga yimid Dowladda Federaalka.

Bayaanka ayaa lagu sheegay in duqaynta lagu dilay saddex iyo toban ka mid ah xubnaha maleeshiyada Al Shabaab.

Bayaanka ayaa lagu sheegay inaanay jirin wax rayid ah oo ku dhintay amaba ku dhaawacmay duqayntaasi.

Dhanka kale Afhayeenka Ciidamada Jubbaland, G/dhexe Maxamed Faarax Daahir ayaa sheegay in Ciidanka Kumaandooska Danab iyo kuwa Daraawiishta Jubbaland ay ka hortaggeen weerar ay Shabaabku maleygayeen in ay ku qaadaan ciidamada degan deegaanka Janaay Cabdalle.

Afhayeenka ayaa tilmaamay in ciidamadu ay burburiyeen Shabaab fara-badan oo lagu diyaariyay Labi-kuus, kuwaa oo ujeedkoodu ahaa inay cagta mariyaan ciidamada saldhigga ku leh Janaay Cabdalle.

Waxa uu sheegay in hawlgalkan oo ka dhacay inta u dhaxeyso Beerxaano iyo Janaay Cabdalle ay ciidamadu ku dileen Shabaab badan, ayna ka carareen sida uu yiri meydadka 22 nin. Dhankooda ayuu sheegay in hal askari kaga dhintay dagaalka, laba kalena ay kaga dhaawacmeen.

Afhayeenka ayaa ugu dambayn sheegay in qorshahoodu uu yahay in si buuxdo ay kooxaha argagixisada uga saaraan deegaanada Jubbaland, iminkana ay dhabaheedii hayaan.