Mareykanka oo ka hadlay qaraxyada faraha badan ee ka dhacay Lubnaan

Dowladda Mareykanka ayaa iska fogeysay inay ku lug leedahay weerarka, sida weyn looga soo shaqeeyay ee Talaadadii ka dhacay dalka Lubnaan.

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka, Matthew Miller ayaa sheegay in Washington aysan wax lug ah ku lahayn weerarka ay ku dhinteen sagaalka qof, dhowrka kun ee kalena ay ku dhaawacmeen.

"Kama warqabin, mana helin wax ogeysiis ah oo ku saabsan weerarka." Ayuu yiri Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka.

Afhayeenka ayaa tilmaamay inay uruurinayaan xogaha ku saabsan weerarka, sida weyn loogu eedeeyay Maamulka Israel.

Matthew Miller ayaa sheegay in aanu lahayn wax aragti ah oo la xiriirta in Israel ay ka masuul ahayd qaraxyadaasi.

Hase yeeshee Sarkaal Mareykan ah ayaa Wakaaladda Wararka AP u sheegay in Israel ay Dowladda Mareykanka uga warbixisay, ka dib markii uu soo geba-gaboobay hawlgalka gaarka ah ee lagu qarxiyay qalabka isgaarsiinta ee Xisbullah.

Sarkaalkan oo magaciisa la qariyay ayaa sheegay in isgaarsiinta Xisbullah lagu qarxiyay xaddi yar oo walxaha qarxa ah, oo sida uu sheegay lagu soo qariyay qalabka ay adeegsato.

Qalabkan ayaa la sheegay in dhowr bilood ka hor la keenay dalkaasi Lubnaan, ka dib markii lagu soo sameeyay Jaziiradda Taiwan.

Dowladda Lubnaan iyo Ururka Xisbullah ayaa ku eedeeyay Israel in ay ka masuul tahay wax u eg weerar casriyeysan oo fog.

Dhanka kale Matthew Miller, Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa ugu baaqay Dowladda Iran inaysan uga sii darin xaaladda gobolka, maadaama Safiirkeedii u joogay Beirut uu ka mid yahay dadka ku dhaawacmay weerarkaasi.

Afhayeenka ayaa Israel iyo Lubnaan ugu baaqay in wax kasta, oo ay isku khilaafsan yihiin inay ku xaliyaan dhanka diblomaasiyadda.

"Laga soo bilaabo October 7-deedii waxaanu aragnay wax kasta oo dhacdooyin ah oo horseedi kara in xaaladdu ay faraha ka baxdo, taasoo calaamad u ahayd colaadda khadka buluugga." Ayuu yiri Afhayeenka.

Xiisadda labada dal ayaa si weyn u saameysay aagga khadka buluugga ee xuduudda, oo ay ku sugan yihiin ciidan nabad ilaalineed oo ka socda Qaramada Midoobey.

Taliska Ciidanka Nabad Ilaalinta Qaramada Midoobey ee Lubnaan (UNIFIL) ayaa ka digay kororka rabshadaha ee ka jira xuduudda.

Matthew Miller ayaa codkiisa ku biiriyay walaaca ay ka muujinayaan isku dhac ballaaran oo ka dhex qarxa labada dhinac, ka gadaal markii Xisbullah ay ku hanjabtay in ay ka aargudan doonto Israel, iyadoo laga jawaabayo qaraxyadii faraha badnaa ee shalay.

"Waxaan had iyo jeer ka walaacsanahay xaaladda oo ka sii darta. Waxaan mar kasta ka walaacsanahay nooc kasta oo dhacda ah oo keeni kara in xaaladda ay ka sii darto." Ayuu yiri Miller.

Miller ayaa intaasi ku daray "Waxay weli tahay farriintayada ku socoto Israel iyo dhinacyada kaleba inay u baahan yihiin inay sameeyaan wax kasta oo ay awoodaan, si ay isugu dayaan inay u gaaraan xal diblomaasiyadeed."