Mareykanka oo Safiir cusub u soo magacaabay Somaliya

Madaxweynaha Mareykanka, Joe Biden ayaa Safiir cusub u soo magacaabay Somaliya, sida lagu sheegay warsaxaafadeed ka soo baxay Aqalka Cad.

Madaxweynaha Mareykanka ayaa Richard H. Riley u xushay in uu noqdo Safiirka xigga ee Mareykanka u joogi doona Somaliya.

Danjiraha cusub ayaa hadda ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka, isagoona ka mid ah diblomaasiyiinta ka hawlgala Safaaradda Mareykanka ee Canada.

Ninkan ayaa horey uga soo shaqeeyay dalalka Britain, Ruushka, Shiinaha, Pakistan, Afghanistan, Iraq iyo Yemen.

Guddiga Arrimaha Dibadda ee Aqalka Senate-ka Mareykanka ayaa la filayaa in magacaabistiisii ay horgeeyaan Senatorada, si ay codka kalsoonida ugu qaadaan.

Riley ayaa xilka kala wareegaya Danjiraha uu muddo xileedkiisu dhammaaday ee Mareykanka u joogay dalka, waa Danjire Larry André. 

Danjire André ayaase xafiiska sii joogi doona dhowrka bilood ee soo socda, maadaama ay muddo qaadato, xilliga ay xilka ku kala wareegaan Safiirada Mareykanka.