Mareykanka oo Somaliya kala hadlay taageerada nabadda ee Suudaan

Safiirka Mareykanka ee dalka, Danjire Larry André ayaa Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliya, Abshir Cumar Jaamac (Huruuse) kala hadlay xaaladda murugsan ee ka taagan dalka Suudaan.

Safiirka ayaa Wasiirka weydiistay in Dowladda Federaalka ay taageerto dadaalada uu hormuudka ka yahay Sacuudiga ee xalka nabadeed loogu raadinayo dalka ay dagaaladu halakeeyeen ee Suudaan.

Safiirka oo gelinkii dambe ee Talaadadii Wasiirka ku qaabilay Xarunta Safaaradda Mareykanka ee Magaalada Muqdisho ayaa u sheegay in wada hadalada dhinacyada Suudaan ku leeyihiin Magaalada Jeddah ay muhiim u yihiin in la soo afjaro colaadda dalkaasi.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in Wasiirku uu kulanka ka sheegay in Somaliya uu xiriir taariikhiya kala dhaxeeyo Suudaan, isla-markaana ay taageereyso qorshaha nabad ku soo dabaalidda ee dalkaasi.

Sacuudiga oo uu kaabayo Mareykanka ayaa juhdi badani ku bixinaya dib u soo celinta xasilloonida iyo amniga ee Jamhuuriyadda Suudaan.

Wufuud metelaysa labada janaraal ee ku dagaalamaya dalkaasi ayaa tan iyo Sabtidii uu wada hadal uga socdaa Magaalada Jeddah.

Caalamka ayaa isku dayaya in ay ku qanciyaan Hoggaamiyaha Golaha Talada ee Suudaan, General Abdel Fattah al-Burhan iyo Hoggaamiyaha Ciidamada RSF, General Mohamed Hamdan Dagalo inay joojiyaan dagaalka, wixii dhexdooda ahna ay miiska wada hadalka ku xaliyaan.

Xoogaga Xoriyadda & Isbedelka Suudaan, oo ah koox siyaasadeed oo hoggaamineysa qorshe caalami ah oo xukunka loogu soo wareejinayo rayidka ayaa caalamka ku booriyay in ay sii wadaan cadaadiskoodan, si dalka looga badbaadiyo fowdo qoto dheer, oo meesha ka saarta rajadii shacabku ka qabeen in dib loo soo celiyo xukunkii rayidka ahaa, ee ay janaraaladaasi meesha ka saareen 25-kii bishii October ee sanadkii 2021, markaas oo ay si wadajir ah u afgembiyeen Xukuumaddii Raysal Wasaare Abdalla Hamdok.  

Tan iyo markii 15-kii bishii April uu dagaalku ka qarxay dalkaasi ayaa inta la ogyahay waxaa ku naf waayay 550 qof, halka 4,926 kalena ay ku dhaawacmeen.