Mareykanka oo war ka soo saaray weerarka ka dhacay Degmada Jilib

Taliska Ciidamada Mareykanka ee Qaaradda Afrika (AFRICOM) ayaa ka hadlay weerarka dhinaca cirka ee ka dhacay Degmada Jilib ee Gobolka Jubbada Dhexe.

Taliska ayaa warsaxaafadeed ku sheegay in duqayntan oo ay iska kaashadeen Dowladda Somaliya iyo AFRICOM ay ciidamadooda Sabtidii ka gaysteen degmadaasi.

"Hawlgalkan waxaan kala kaashanay Dowladda Federaalka Somaliya. AFRICOM ayaa weerar cirka ah ku qaadday kooxda Al Shabaab ee Somaliya 20-kii May." Ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Talisku ma sheegin cidda lagu bartilmaameedsaday duqayntaasi iyo waxyeelada ka soo gaartay maleeshiyada Al Shabaab.

Taliska ayaase sheegay in qiimeyntooda horudhac ah ay muujineyso inaanu jirin wax khasaare ah oo dadka rayidka ah ka soo gaaray weerarkaasi. 

"Qiimeynta bilowga ah ee Taliska ayaa ah in aysan jirin dad rayid ah oo ku dhaawacmay ama ku dhintay weerarka." Ayaa lagu sheegay warsaxaafadeedka.

Warbaahinta Dowladda Federaalka ayaa sheegtay in weerarka lagu beegsaday bartilmaameedyo gaar ah, khasaare xoogana lagu gaarsiiyay Shabaabka.

Degmada Jilib oo 385km koonfur galbeed kaga toosan Caasimadda Muqdisho ayaa ah saldhigga ugu weyn ee ay Shabaabku ku leeyihiin dalka.

Weerarkan ayaa ku soo aadaya, xilli Agaasimaha Hay'adda Nabad Sugidda & Sirdoonka Qaranka (NISA), Mahad Maxamed Salaad uu booqasho ku marayo Magaalooyinka Washington iyo New York, halkaas oo uu kulamo kula leeyahay Saraakiil ka tirsan Pentagon-ka, CIA-da iyo FBI-da Mareykanka.

Mareykanka waa saaxiibka ugu weyn ee Villa Somalia ka taageera weerarada dhinaca cirka ee ka dhanka ah madaxda iyo maleeshiyada Shabaabka.