Mareykanka oo xilli kasta weerari kara dalka Iran

Diblomaasiyiinta shisheeye ee ka hawlgala Bariga Dhexe ayaa laga soo xigtay in Mareykanka iyo Iran ay ku sii dhawaanayaan dagaal dhex mara labada dal.

Diblomaasiyiintan oo magacyadooda la qariyay ayaa Warbaahinta caalamiga ah u sheegay in Militariga Mareykanka ay u diyaargaroobeen duulaan hawada oo ka dhan ah Iran, isla-markaana ay xilli kasta weerari karaan dalkaasi.

Wasaaradda Gaashaandhiga Mareykanka ee The Pentagon ayaa toddobaadyadii la soo dhaafay hub iyo ciidamo dheeraadba ah ku soo daabuleysay gobolka, tani oo lagu sheegay dhaqdhaqaaqii ugu weynaa ee Mareykanka uu ka sameeyo Bariga Dhexe, tan iyo duulaankii uu Mareykanka ku qaado dalka Ciraaq, sanadkii 2003.

Wararka ayaa sheegaya in Miltariga Mareykanka ay sugayaan oo keliya amar ay ka helaan Aqalka Cad ee Mareykanka looga arrimiyo, si ay fara-gelin militari ugu sameeyaan dalkaasi Iran.

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa Jimcihii sheegay in uu ka fiirsanayo weerar kooban oo lagu qaado Iran, haddii aan la gaarin heshiis nuclear ah. Hoggaamiyaha Mareykanka ayaa Madaxda Iran ku cadaadinaya in ay ogolaadaan in heshiis laga gaaro sameysashada nuclear-kooda.

Iran waxay ku celcelisay in aysan wax dheg jalaq ah u siin doonin hanjabaadaha sii kordhaya ee uga imanaya Madaxweyne Trump, isla-markaana ay u wanaagsan tahay in uu dagaal ka fogaado.

Trump ayaa maskaxda ku haya in weerar kasta oo Iran lagu qaado aysan Tehran gacmaha laaban doonin, isla-markaana ay aargoosi samayn doonto.

Trump ma doonayo in dagaal furan amaba dagaal wejiyo badan leh ay la galaan Iran, bacdamaa uu ka warqabo in dagaalka noocaasi ah uu daba dheeraan doono.

Waxaa jirta hal mid oo Trump ku riixi karta in weerar xadidan lagu bartilmaameedsado Xarumaha Dowladda Iran iyo Saldhigyada Ciidamada dalkaasi, si uu ugu qanciyo Israel in ay weerareen dalkaasi.

Xukuumadda Raysal Wasaare Benjamin Netanyahu ayaa Maamulka Madaxweyne Trump ku cadaadineysa in tallaabo militari laga qaado Iran, si ay uga tanaasusho barnaamijkeeda nuclear-ka, isla-markaana ay u burburiso gantaalada ridada dheer ee ay haysato iyo inay joojiso taageerada ay siiso ururada hubeysan ee gobolka sida Xisbullaah, Xuutiyiinta Yemen iyo Ururka Xamaas ee Falastiin. Iran waxay ururadan u aragtaa xulafadeeda ugu weyn ee Bariga Dhexe, maadaama dowladaha gobolka aysan la lahayn iskaashi muuqdo oo militari.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran, Abbas Araghchi ayaa marar badan ka dhawaajiyay in Tehran ay diyaar u tahay in ay heshiis ka gasho nuclear-keeda, ha yeeshee aysan cidina ku khasbi karin in ay burburiso gantaalaheeda ballaastikada ah ee ay isku difaacdo iyo in meesha laga saaro taageerada militari ee ay siiso ururada gobolka.

Trump ayaa Khamiistii Iran ugu baaqay in ay ku soo biirto Mareykanka, si looga baaqsado dagaal, balse haddii aysan tanaasul samayn ayuu sheegay in waxyaabo xun xun ay dhici doonaan.

Wasiirka Difaaca Iran, Aziz Nasirzadeh ayaa mar sii horreysay sheegay in qarankiisu uu si adag uga jawaabi doono, haddii Mareykanku uu ku soo gardarroodo. Wasiirka ayaana ka digay in ay hadaf noqon doonaan dhammaan Saldhigyada Militariga Mareykanka ee gobolka.

Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida ee Iran, General Sayyed Abdolrahim Mousavi ayaa Trump uga digay in uusan dagaal bilaabin, haddii kalena ay weerarada falcelinta Iran noqon doonaan kuwo saf ballaaran oo degdeg ah.

Aqalka Cad ee Mareykanka ayaa ka dheregsan in Iran ay tahay awood militari oo aan la dafiri karin, taasoo in la weeraraa uu ka dhalan doono cawaaqib aan la sii qiyaasi karin, haddana lama oga sida Trump uu ugu qancin karo Netanyahu, weerar la'aan. Israel ayaa ah xulafada ugu weyn Mareykanka ee Bariga Dhexe, waana Israel oo ah cadowga ugu weyn Iran ee gobolka.

Hoggaamiyeyaasha gobolka waxay Trump u caddeeyeen in aan dagaal laga rabin gobolka, maadaama weerarka Iran uu keeni karo in dagaalka uu fido.

Hoggaamiyeyaasha dalalka Khaliijka iyo kuwa kale ee Bariga Dhexe ayaa ku jiifa in Iran ay garaaci karto saldhigyada uu Mareykanku ku leeyahay dalalkooda, waana sababta aysan u dooneyn dagaalkan.

Dagaalkan ayaa ku xiran in uu qarxo hal amar oo uu bixiyo Donald Trump, Madaxweynaha Mareykanka.