Markab lagu weeraray xeebaha Somaliya oo u muuqdo in lala wareegay

Kooxo hubeysan oo loo maleynayo in ay yihiin burcad badeedda Soomaalida ayaa maanta xeebaha Somaliya ku weeraray markab nooca shidaalka oo ku gooshayay.
Kooxahan oo la socday doomaha dheereeya ayaa markabka oo watay Calanka Malta ku weeraray meel 560 nautical miles jihada koonfur bari uga beegan Degmada Eyl ee Gobolka Nugaal.
Markabka oo lagu magacaabo Hellas Aphrodite, isla-markaana laga leeyahay Giriiga ayaa siday shidaal uu ka soo qaaday dalka India, uuna u waday dalka Koonfur Afrika.
Warbaahinta caalamiga ah ayaa tebineysa in kooxaha hubeysan ay xoog ku fuuleen markabka, iyagoo wata gantaalaha garbaha laga tuuro ee sabanka/baasuukaha iyo hub kale.
Shirkadaha amniga badaha ayaa sheegay in kooxahaasi ay rasaas ku fureen markabka, oo ka yimid Sikka, kuna sii jeeday Durban.
Shirkadda Amniga Badda ee Britain (Ambrey) ayaa xaqiijisay in markabka uu weerar toos ah la kulmay.
Hay’adda La socodka Ganacsiga Badda ee Britain (UKMTO) ayaa mar dambe war ay soo saartay ku sheegtay in dad aan amar u haysan markabka ay fuuleen, ka dib markii ay gantaalka RPG ku dhufteen.
Maamulka Shirkadda Maraakiibta Giriiga ee Latsco Marine Management ayaa sidoo kale xaqiijiyay in markabkooda la weeraray.
Shirkadda ayaa sheegtay in dhammaan shaqaalaha markabka oo tiradoodu ay gaareyso 24 ay badqabaan, xiriirkooduna uusan go'in oo mar walba ay heli karaan.
Hay'adda Caalamiga ah Badbaadada Maraakiibta ee Diaplous ayaa sheegtay in shaqaaluhu ay isugu taggeen qolka ammaanka ee markabka.
Hawlgalka Midowga Yurub ee Atalanta ayaa mar sii horreysay sheegay in mid ka mid ah maraakiibtooda oo ku sugnaa meel u dhow goobta uu u dhaqaaqay, si uu gurmad ugu fidiyo markabka iyo shaqaalaha la socda. Hawlgalka Atalanta waa hawlgal ay Ciidamada Badda ee Midowga Yurub kula dagaalamaan kooxaha burcad badeedda ee Geeska Afrika.
Wakaaladaha Wararka ee Reuters iyo AFP ayaa daabacay in kooxaha weeraray markabkaasi ay u muuqdaan kuwo gacanta ku haya maamulkiisa.
Weerarka ayaa imanaya dhowr maalmood ka dib, markii kooxaha burcad badeedda Soomaalida ay ku guuldareysteen in ay fuulaan markab nooca shidaalka qaada ah oo marayay xeebaha dalka.
Weerarkan ayaa sare u qaadaya walaaca caalamiga ah ee laga qabo in weerarada kooxaha burcad badeedda ay kordhaan.
Kooxaha burcad badeedda ayaa weeraradooda soo cusbooneysiiyay bishii December ee sanadkii 2023, waana bil ka dib, markii Xuutiyiinta Yemen ay bilaabeen inay si toos ah u beegsadaan maraakiibta laga leeyahay Israel, iyagoo kaga jawaabaya duulaankeeda Marinka Gaza.
Burcad badeedda ayaa 14-kii bishaasi gacanta ku dhigay markab xamuulka oo watay Calanka Malta, laguna magacaabo MV RUEN, kaas oo Badda Carabta ay ka soo qafaasheen. Ciidanka Badda India ayaa bishii March ee sanadkii 2024 xoog ku soo furtay markabkaasi iyo 17 shaqaale oo lagu haystay xeebaha Puntland.
Burcad badeedda ayaa sidoo kale bishii November ee sanadkaasi qafaalatay markab ganacsi oo laga leeyahay dalka Shiinaha, inkastoo la sii daayay bishii January ee sanadkan, ka dib dadaalo aan kala go' lahayn oo Dowladda Shiinaha ay sameysay.
Safiirka Shiinaha ee Somaliya, Wang Yu ayaa 13-kii January war uu soo saaray ku sheegay in la sii daayay markabka iyo dhammaan 18 shaqaale oo la socday, isagoona xilligaasi u mahadceliyay Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedka Puntland oo si dhow uga la shaqeeyay sii deyntooda.
Safiirka ayaan sheegin wax madax furasho ah oo la siiyay kooxihii markabka iyo shaqaalaha ku haystay xeebaha Puntland, walow burcad badeeddu ay dalbatay madax furasho dhan 10 milyan oo dollar.


