Markabka diyaaradaha xambaara ee Ingiriiska oo ogolaansho ka helay Xuutiyiinta

Markabka diyaaradaha dushiisa ka haadaan ee HMS Prince of Wales ayaa ogolaansho ka helay Xuutiyiinta Yemen, si uu u maro biyaha Badda Cas.
Xoogaga Xuutiyiinta ayaa ogolaaday in markabka weyn ee dagaalka ee laga leeyahay dalka Ingiriiska uu soo maro Badda Cas, ka dib markii markabku uu la xiriiray Yemen, uuna aqbalay shuruudda ah in aanay qaadi karin wax weerar ah oo lagu carqaladeynayo hawlgalada Yemen ee lagu taageerayo dadka reer Gaza.
Mohammed Ali Al Houthi oo ka mid ah saraakiisha sarsare ee Xuutiyiinta ayaa sheegay in markabku uu xiriir la soo sameeyay Jamhuuriyadda Yemen, isla-markaana uu codsaday maritaanka Badda Cas, isagoo aan samayn doonin wax hawlgal ah.
Mohammed Ali ayaa tilmaamay in Ciidamada Yemen ay ogolaadeen in markabka diyaaradaha xambaara uu ku goosho Badda Cas, isla-markaana aan la weerarin, illaa iyo inta uu ka gaysanayo xadgudub ka dhan ah taageerada Yemen ee shacabka Falastiin.
Wararka ayaa sheegaya in markabka iyo raxan maraakiib ah oo la socotay ay si nabdoon u mareen Badda Cas, halkaas oo ay uga sii gudbeen dhinaca Gacanka Cadmeed.
Lama soo sheegin wax weerar ah ama khatar ah oo maraakiibta Ingiriiska ay la kulmeen, intii ay marayeen marin biyoodka Badda Cas.
Xuutiyiinta ayaa bartamihii bishii January ee sanadkii 2024 soo rogay amar ah inaysan maraakiibta Ingiriiska iyo kuwa Mareykanka mari marin Badda Cas, iyadoo laga jawaabayo duqaymihii Ciidamada Mareykanka iyo Ingiriiska ay 12-kii bishaasi ka bilaabeen dalka Yemen, si loo joojiyo weeraradii ay Xuutiyiinta ku beegsanayeen maraakiibta laga leeyahay Israel iyo kuwa kale ee ku sii jeeda dekedaha maamulkaasi.
Xuutiyiinta ayaa xilligaasi ku dhawaaqay in ay ballaariyeen weeraradooda, isla-markaana ay bartilmaameed sharci ah yihiin maraakiibta Israel, Mareykanka & Ingiriiska iyo inaysan ka gudbi karin marinka istiraatiijiga ah ee Bab El-Mandeb oo isku xira Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed.
Taliska Ciidamada Badda Ingiriiska ayay bishii February ee sanadkaasi khasab ku noqotay in mid ka mid ah maraakiibtooda wax burburiya ay ka saaraan hawlgalka Badda Cas ee lagu la dagaalamayay weeraradii Xuutiyiinta Yemen.
Markabka dagaal ee HMS Diamond ayuu talisku xilligaasi sheegay in uu u baahan yahay dayactir degdeg ah, ka dib saddex weerar oo ay gaysteen Xoogaga Xuutiyiinta.
Ingiriiska ayaa u muuqdo in uu haatan qaatay calanka cad ee nabadda, ka dib heshiiskii xabad joojinta ee bishii hore dhex maray Mareykanka iyo Xuutiyiinta.
Mareykanka iyo Xuutiyiinta ayaa 6-dii May gaaray heshiis xabad joojin ah, iyadoo aysan Xuutiyiinta weerari doonin maraakiibta Mareykanka, halka Mareykankuna uu joojinayo duqaymihii ay ciidamadiisa ka gaysanayeen dalka Yemen.
Madaxweyne Donald Trump ayaa si lama filaan ah ugu dhawaaqay in dalkiisu uu joojinayo duqaymihii ay ka wadeen dalka Yemen, ka dib markii uu sheegay in iyaga iyo Xuutiyiinta ay isla qaateen heshiis xabad joojin ah.
Dowladda Cumaan ayaa waxay sheegtay in ay iyadu ka soo shaqeysay xabad joojintan, waxaana Wasiirkeeda Arrimaha Dibadda, Badr Albusaidi uu sheegay in labada dhinacba ay aqbaleen heshiiska xabad joojinta.
Mareykanka, isaga ayaa gardarrada ku bilaabay Xuutiyiinta, markii uu weeraradooda xakameyn kari waayayna uu qaatay xabad joojintan, si Xuutiyiinta ay weerarada uga joojiyaan maraakiibtiisa mareysa Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed, iyana looga joojiyo duqaymihii lagu hayay.
Mohammed Abdul-Salam, Madaxa Wada-xaajoodka Xuuthiyiinta ayaa 7-dii bishii May ku dhawaaqay in heshiiskan aysan qayb ka ahayn Israel, isla-markaana aysan ka tanaasuli karin weeraradooda ay ku diidan yihiin xasuuqa Gaza iyo go'doominta lagu hayo Marinka Gaza.
Raysal Wasaare Benjamin Netanyahu ayaa la sheegay in uu ka carooday heshiiskaasi, haddii Maamulka Madaxweyne Trump uu ku banneeyay garabkooda, marka ay noqoto la dagaalanka ururka reer Yemen.