Markabka shidaal qodista ka sameynaya Somaliya oo lagu soo dhaweeyay Muqdisho
Madaxda Qaranka Soomaaliyeed iyo masuuliyiin ka socda Dowladda Turkiga ayaa galabta Dekedda Muqdisho kaga qaybgalay munaasabad lagu soo dhaweynayo markabka Çağrı Bey iyo shaqaalaha la socda, oo dalka u yimid in ay shidaal qodis ka bilaabaan.
Markabkan ayaa ah mid ka mid ah laba markab oo Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan uu 30-kii bishii December ku dhawaaqay inay maraakiibta Turkiga ku soo kordhiyeen laba markab, oo ah kuwa qoda badda gunteeda, wuxuuna xilligaasi magacyadooda ku kala sheegay Çağrı Bey iyo Yıldırım.
Markabkan ayaa 15-kii bishii February ka soo shiraacday Dekedda Taşucu ee Koonfurta Turkiga, si uu shaqadiisii ugu horreysay uga bilaabo xeebaha Somaliya, ka gadaal markii markabka Oruc Reis uu xagaagii hore soo geba-gabeeyay shidaal sahmin uu muddo billo ahi ka waday xeebaha dalka.
Munaasabadda soo dhaweynta ee ka dhacday Dekedda Muqdisho ayaa waxaa ka qaybgalay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, Raysal Wasaaraha Xukuumadda, Xamse Cabdi Barre, Wasiiro & Xildhibaano ka tirsan Dowladda Federaalka, Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor), Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), Wasiirka Tamarta & Khayraadka Dabiiciga Turkiga, Alparslan Bayraktar, Safiirka Turkiga ee dalka, Danjire Alper Aktaş iyo masuuliyiin kale.
Madaxweynaha Somaliya oo ka hadlay munaasabadda ayaa imanshaha markabkan ku sheegay tallaabo qaran oo dalka u horseedeysa horumar dhaqaale, koboc maalgashi iyo fursado shaqo oo cusub, isagoo intaasi ku daray in dowladdu ay mudnaan gaar ahi siineyso in si masuuliyad leh khayraadka dabiiciga ah looga faa'iideeyo shacabka Soomaaliyeed.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa adkeeyay in Dowladda Federaalka ay ka go’an tahay maarayn hufan oo caddaalad ku dhisan, si dakhliga ka soo baxa khayraadka shidaalka loogu bedelo adeegyo bulsho, horumar dhaqaale iyo xasillooni waarta, wuxuuna Dowadda Turkiga uga mahadceliyay iskaashiga dhow ee ay la leedahay Somaliya, kuna amaanay taageerada joogtada ah ee ay ka gaysaneyso dib-u-dhiska, horumarinta iyo kobcinta awoodda dhaqaale ee dalka.
Shaqaalaha markabka Çağrı Bey oo hadda waqti nasiina ah ku qaadanaya Muqdisho ayaa la filayaa in ay u ambabaxaan deegaanada Galmudug, halkaas oo noqon doonto meesha ugu horreysa ee Turkigu uu shidaal soo saarista ka bilaabo.
Waa markabkii ugu horreyay shidaal qodis ee taariikhda Turkiga la geeyo meel ka baxsan biyaha dalkaasi, sida uu sheegay Alparslan Bayraktar, Wasiirka Tamarta & Khayraadka Dabiiciga Turkiga.
Turkiga ayaa waxaa lagu tilmaamaa saaxiibka ugu muhiimsan ee Somaliya iyo dalka ugu weyn ee maalgashiga ku sameysta Somaliya.
Si kastaba ha-ahaatee shacabka Soomaaliyeed ayaa dareemaya in la joogo waqtigii ay ka faa'iideysan lahaayeen khayraadka aan la taaban ee dalka.



















