Markabka shidaalka qaada ee MT EUREKA oo lala soo aaday xeebaha Somaliya

Markabka booyadda shidaalka ee M/T EUREKA ayaa lagu qafaashay xeebaha Gobolka Shabwa ee dalkaasi Yemen, ka hor inta aan loola soo dhaqaaqin xeebaha Somaliya.
Taliska Ciidanka Badda Yemen ayaa Sabtidan sheegay in kooxo aan heybtooda la aqoonsan ay la wareegeen maamulka markabka, isla-markaana ay u kaxeysteen dhinaca Gacanta Cadmeed ee biyaha Somaliya.
"Markabka ayaa waxaa fuulay kooxo hubeysan oo aan la garaneyn, kuwaas oo ay u suurtagashay inay la wareegaan kontoroolka markabka." Ayuu talisku ku sheegay war qoraal ah.
Taliska ayaa intaasi ku daray in ay socdaan dadaalo lagu baadigoobayo markabka, iyadoo la qaadayo tallaabooyinka lagama maarmaanka ah ee lagu soo celin karo markabkaasi, si loo xaqiijiyo badqabka shaqaalaha saaran.
"Markii ay ilaalada xeebuhu heleen xogta afduubka waxay bilaabeen inay ka falceliyaan, iyadoo laba doon oo roondo ah laga soo diray Cadan iyo maraakiib yaryar oo ka yimid Shabwa, si ay u fuliyaan hawlgalo baaritaan iyo dabagal ah." Ayaa lagu yiri warka.
Hay’adda La socodka Ganacsiga Badda ee Britain (UKMTO) ayaa sheegtay in dhaqdhaqaaqyo laga shakiyay ay ka jiraan meel 84 nautical miles (156km) koonfur galbeed ka xigta Dekedda Mukalla ee Yemen.
Dowladda uu fadhigeedu yahay Koonfurta Yemen iyo saaxiibada caalamiga ayaa hadda la socda markabka.
Weerarka ayaa imanaya, iyadoo uu jiro walaac amni oo ka taagan xeebaha koonfureed ee Yemen, ka dib markii Hay'adda UKMTO ay digniino is daba joog ah ka soo saartay inay khatar sii kordheyso ka jirto biyaha Yemen.


