Masar oo si adag uga falcelisay eedeymo kaga yimid Israel

Dowladda Masar ayaa si adag u beenisay eedeymaha kaga yimid Maamulka Israel ee sheegaya in Ciidamada Masar ay xireen Isgoyska Rafah ee ku yaala xadka Masar iyo Marinka Gaza.

Israel Katz, Wasiirka Arrimaha Dibadda Israel ayaa gelinkii dambe ee maanta sheegay in Qaahira ay tahay in lagu qanciyo in ay dib u furto Isgoyska Rafah, isaga oo ula jeeday in Masar ay sabab u tahay xiritaanka waddada muhiimka u ah gargaarka bani'aadantinimo, kaas oo xirnaa hal toddobaad, ka dib markii Ciidamada Israel ay la wareegeen.

"Furaha looga hortaggayo dhibaatada bani'aadantinimo ee Marinka Gaza ayaa hadda ku jira gacanta saaxiibadeenna Masaarida." Ayuu yiri Katz oo intaasi ku daray in dadka ku eedeynaya Israel in ay ka masuul tahay xaaladda bani'aadantinimo ee Marinka Gaza ay yihiin kuwo la marin habaabiyay.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar, Sameh Shoukry oo ka jawaabayay eedeymahaasi ayaa cambaareeyay, waxa uu ku sheegay isku dayga Israel ee ay Masar ugu saarineyso dhibaatada bani'aadantinimo ee ka jirta dhulka go'doonsan.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar ayaa warsaxaafadeed uu caawa soo saaray ku sheegay inaysan waxba jirin eedeymaha dalkiisa loogu jeedinayo xanibaadda gargaarka.

Wasiirka ayaa tibaaxay in qabsashada Israel ee xuduudda Rafah iyo hawlgalada ciidamadeeda ay ka wadaan bariga Rafah ay yihiin sababaha ugu waaweyn ee keenay in gargaarka uu awoodi waayay inuu galo Marinka Gaza.

Muddada uu hakadka ku jiro gargaarkii ka soo gudbayay dhanka Masar ayaa la sheegaya in ay kordheen dhibaatooyinka bani'aadantinimo ee ka jira Marinka Gaza, isla-markaana ay dadku halis ugu jiraan in ay macluul u dhintaan.

Ciidamada Israel ayaa toddobaadkii hore la wareegay xadka Marinka Gaza uu la wadaago qaybta Masar, iyagoona xiray marinadii halbowlaha u ahaa gargaarka naf badbaadinta ah.

Hay'adaha caalamiga ah ayaa mar sii horreysay sheegay in xirista la xirayo meel laga soo gudbo koonfurta Marinka Gaza ay ka dhigeyso mid aan macquul ahayn in gargaarka la gaarsiiyo dadka rayidka ah ee ku nool dhulka go’doonsan.

Saraakiisha Qaramada Midoobey ayaa Israel ku dhaliilay inaysan ogoleyn in shaqaalaha gurmadka bani’aadantinimo ay ka gudbaan Rafah.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey, António Guterres ayaa ka digay cawaaqibka daran ee ka dhalan kara sii xirnaanshaha marinada gargaarka.

Israel oo ciidamo fara-badan soo dhoobtay bariga deegaanka Rafah ee cirifka koonfureed ee Marinka Gaza ayaa isku diyaarinaya guluf ballaaran oo dhinaca dhulka ah, oo ay doonayaan inay ku galaan Rafah.

Diyaaradaha dagaalka Israel ayaa la sheegaya in weli ay duqaymo ka wadaan bariga iyo koonfurta Rafah, oo maalmo ka hor ay dadka rayidka ah ku amrayn in ay isaga baxaan.

Sida ay maanta sheegtay Qaramada Midoobey, ugu yaraan 450,000 oo qof ayaa lagu khasbay in ay ka barakacaan deegaanka Rafah, oo billihii ugu dambeeyay hoy u ahaa dad tiradooda lagu qiyaasay 1.5 milyan oo barakacayaal ah.

Hay’adda Qaramada Midoobey U Qaabilsan Gargaarka & Arrimaha Qaxootiga Falastiiniyiinta (UNRWA) ayaa sheegtay inaysan jirin wax rajo ah oo ka sokeysa xabad joojin rasmi ah oo laga dhaqangeliyo Marinka Gaza, haddii kalena ay faraha ka bixi doonto xaaladda bani’aadantinimo ee ka jirta dhulka sida adag loo go’doomiyay.

Israel ayaa go'doomin adag gelisay Marinka Gaza, ka dib weerarkii kooxaha wax iska caabinta Falastiiniyiinta ay 7-dii October ka gaysteen dhulka ay maamusho. Israel ayaana Gaza ka jartay biyaha, korontada, cuntada, shidaalka iyo sahayda dawada.