Xamaas oo ka hortimid in joogitaanka Ciidamada Israel lagu bedelo kuwo shisheeye
Xamaas ayaa ka hortimid qorshaha ciidamada shisheeye loogu soo dirayo Marinka Gaza, ka dib markii Xubnaha Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ay ansixiyeen qaraarkii Madaxweyne Donald Trump ee dalbanayay in Gaza la geeyo ciidamo caalami ah oo hub ka dhigis ku sameeya Ururka Xamaas.
Qaraarka ayaa waxaa ku cad in ciidamadu ay shaqadoodu tahay in ay hubiyaan in Gaza ay tahay meel ka caagan militariga, joojinta hubka culus iyo burburinta kaabeyaasha militariga, iyaga oo tababaraya ciidamo boolis ah oo la wareega amniga Marinka Gaza.
Xamaas ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in aysan ogolaan doonin qorshaha ciidamada caalamiga ah ee Gaza.
Xamaas ayaa sheegtay in qorshahan uu dhabaha u xaarayo in joogitaankii Militariga Israel ee Gaza lagu bedelo ilaalo caalami ah, taasoo aysan aqbali doonin.
"Qaraarku wuxuu soo rogayaa habka ilaalinta caalamiga ah ee Marinka Gaza, taas oo dadkeenna iyo kooxahooda ay diidan yihiin." Ayaa lagu yiri bayaanka.
"Adeegsiga ciidamada caalamiga ah howlo iyo doorar gudaha Marinka Gaza, oo ay ku jiraan hub ka dhigista iska caabinta waxay meesha ka saareysaa dhexdhexaadnimadooda, waxayna noqonayaan kuwo u hiiliya gumeysiga Israel." Ayaa lagu sheegay bayaanka.
Bayaanka ayaa intaasi ku daray "Ciidan kasta oo caalami ah, haddiiba la dhisayo waa in la geeyaa xuduudaha oo keliya, si ay u kala soocaan labada ciidan, ayna ula socdaan xabad joojinta, waana inay si buuxda u hoos yimaadaan kormeerka Qaramada Midoobey."
Mike Waltz, Safiirka Mareykanka ee Qaramada Midoobey ayaa bartiisa Twitter-ka ku sheegay in diidmada Xamaas ay ka dhigan tahay in ka Mareykan ahaan ay waddo sax ah ku taagan yihiin.
Safiirka Ruushka u fadhiya Qaramada Midoobey, Vassily Nebenzia ayaa ka digay in qaraarku uu abuuro khilaaf hor leh.
Safiirka ayaa sababta uu dalkiisu uga gaabsaday codeynta qaraarka Mareykanka ku sheegay in Washington aysan u dhaqmin qaab dhexdhexaad ah.
Aqalka Cad ayaa horey uga digay in haddii ururada hubeysan ee Falastiin ay ka horyimaadaan qaraarka uu keenayo in Israel ay dagaalka dib ugu laabato.
Codeynta ayaa soo afjartay walaac xoogan oo laga muujiyay suurtagalnimada in Ruushku uu adeegsan karo awooddiisa Veto, taasoo aqlabiyadda waxba kama jiraan ka dhigi lahayd.
13 ka mid ah 15-ka xubnood ee Golaha Ammaanka ayaa ansixiyay qaraarkaasi, halka Ruushka iyo Shiinaha ay ka aamuseen, mana jirin cid diiday.
Safiirka Mareykanka u jooga Qaramada Midoobey oo mar dambe Warbaahinta kula hadlayay Magaalada New York ayaa sheegay in haddii qaraarka uu la kulmi lahaa diidmada qaxayan ay dadku arki lahaayeen dagaalka oo dib uga qarxa Gaza.
Danjiraha Shiinaha ee Qaramada Midoobey, Fu Cong ayaa sheegay in dalkiisu uu codeynta qaraarka uga gaabsaday waa inaysan kala caddeyn mabda'a aasaasiga ah ee Dowladnimada Falastiin.
"Gaza waxaa iska leh dadka Falastiiniyiinta ee ma ahan cid kale." Ayuu yiri Safiirka Shiinaha oo xusay in qaraarka aan si sax ah loogu muujin door wax ku ool ah oo Qaramada Midoobey iyo Golaheeda Ammaanka ay ku yeelanayaan Gaza.
Safiirka ayaa hadalkan ka sheegay kulankii Golaha Ammaanka ee xalay ka dhacay Xarunta Qaramada Midoobey ee Magaalada New York.
Si kastaba ha-ahaatee Xamaas ayaa u aragto ciidamada caalamiga ah kuwo la doonayo in ay ay qabtaan shaqadii ay Israel qaban weyday, oo ah in ay ku guuldareysatay burburinta iska caabinta Gaza.




