Raysal Wasaarihii hore ee Bangladesh, Sheikh Hasina oo dil lagu xukumay
Maxkamad ku taala Magaalada Dhaka ayaa maanta xukun dil ah ku xukuntay Raysal Wasaarihii hore ee Bangladesh, Sheikh Hasina oo lagu helay inay bixisay amar lagu laayay boqolaal qof oo shacab ah, intii uu socday kacdoonkii dadweyne ee sanadkii 2024 xilka lagaga tuuray.
Haweeneydan ayaa bishii August ee sanadkii hore ku dhawaaqday in ay xilka iska casishay, ka dib toddobaadyo ay dalkaasi hareeyeen dibadbaxyo ay dad badani ku dhinteen, iyadoona u carartay dalka ay deriska yihiin ee India oo qaab magangelyo ahaan ay u joogto.
Maxkamadda ayaa sidoo kale haweeneyda maqanaha ah ku heshay dembiyo ka dhan ah bani'aadantinimada, oo ay ku jirto caburin ba'an oo lagu sameeyay ardaydii hoggaamineysay mudaaharaadyadii lagaga soo horjeeday dowladdeeda ee markii dambena keenay in awoodda laga tuuro.
Guddi ka kooban saddex garsoore ayaa Isniintan soo saaray xukunka maxkamadda, iyagoo haweeneydaasi ku eedeeyay in ay ka masuul ahayd amarka ay ciidamada amniga ku dileen boqolaal qof oo dad rayid ah.
Hoolka maxkamadda oo ay ku sugnaayeen qaar ka mid ah qoysaska dhibaneyaasha ayaa sacab ku soo dhaweeyay xukunka ay garsooreyaashu rideen.
Sheikh Hasina ayaa shan iyo toban sano ka arrimineysay Bangladesh, waxayna xaalad fowdo rabshado wata ay uga carartay dalkii ay gacanta adag ku maamuleysay.
Haweeneydan 78 jirka ah ayaan la fileyn in dib loogu soo celin doono Dhaka, marka aad eegto in ay xiriir adag la sameysatay New Delhi, muddadii ay xafiiska joogtay.






