Masuuliyiin kormeeray ciidamada sugaya amniga galbeedka Muqdisho

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga ee Xukuumadda Federaalka, Maxamed Cali Xagaa, Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, General Sulub Axmed Firin, Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Yuusuf Xuseen Jimcaale iyo masuuliyiin kale ayaa xalay kormeeray ciidamada sugaya amniga qaar ka mid ah degmooyinka dhaca dhanka galbeed ee Magaalada Muqdisho.

Laamaha amniga ayaa dhowr cisho ka hor ciidan isku dhaf ah u daabulay degmooyinka dhaca darafyada magaalada, iyagoona halkaasi ka sameystay barro amniga lagu hubiyo.

Ciidamadan ayaa qayb ka ah qorshaha cusub, ee ay Dowladda Federaalka ku xaqiijineyso amniga magaalada, waana ciidamada ay tahay inay si dhow ula socdaan dhaqdhaqaaqa dadka soo gelaya caasimadda.

Masuuliyiintan ayaa intii ay kormeerkaasi ku guda jireen, waxay sidoo kale soo kormeereen Saldhigga cusub ee Degmada Kaxda iyo Saldhigga Galbeed ee Degmada Dharkiinley.

Ujeedka kormeerkooda ayaa la xiriiray xaaladda amni ee caasimadda iyo xoojinta wada shaqeynta ciidamada, maamulada degmooyinka iyo bulshada.

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga oo xalay ciidamada kula hadlayay mid ka mid ah barrihii ay kormeereen ayaa ku bogaadiyay shaqada wanaagsan ay qaranka u hayaan.

"Waxaad gacanta ku haysaan mustaqbalkii amniga Somaliya, wuxuuna ka bilaabanayaa shaqada aad hadda haysaan." Ayuu yiri Wasiiru Dowlaha Amniga.

Wasiir Xagaa ayaa yiri "Muqdisho inta aanad idinku soo gelin, xaalkeedu sidii uu ahaa waa la ogyahay, maantana meel kasta ammaantiina iyo bogaadintiina ayaa taalla."

Waxa uu intaa raaciyay "Askarigu waa badbaadiyaha shacabka, wuxuu qoriga u sidaa, oo uu u dhaartay oo habeen iyo maalin uu u taagan yahay inuu badbaadiyo dalkiisa, shacabkiisa, hantidooda iyo naftoodaba. Waajibkii waad ka soo baxdeen intii ugu horreysay, inaad sii wadaana waan idinka rajeynaynaa."

Xaqiijinta amniga Muqdisho, waa shaqada ugu weyn ee hortaalla Dowladda Federaalka, marka laga soo taggo hawlgalada dib-u-xoreynta dalka.