Maxamed Cabdi Waare oo ka hadlay sababta uu u weeraray Wasiirka Gaashaandhigga

Madaxweynihii hore ee Hirshabelle, Maxamed Cabdi Waare ayaa faah faahiyay sababta uu weerarka afka ah ugu qaaday Wasiirka Gaashaandhigga Somaliya, Cabdiqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), kaas oo uu ku eedeeyay inuu xagal-daacinayo hawlgalka militari ee ka socda Gobolada Dhexe.
Maxamed Cabdi Waare oo ah Ergayga Gaarka ee Madaxweynaha Dowladda Federaalka, Xasan Sheekh Maxamuud u qaabilsan xasillinta & ilaalinta arrimaha rayidka ee goobaha dagaalada ayaa Jimcihii Madaxweynaha uga digay inaanu wafdigiisii tegay Degmada Maxaas ku soo darin Wasiirka, haddii kalena aysan wax wanaagsan dhici doonin, warkaas oo si weyn ugu faafay barraha bulshada iyo Warbaahinta gudaha, intaba.
Ergayga ayaa hadda sheegaya in Wasiirku uu ku haysto oo keliya in uu ku ekaado shaqada wasaaradda, isla-markaana uu faraha kala baxo arrimaha ciidanka.
"Maxaan ku maagay Wasiirka? Kow Wasiirka waa Wasaaradda Gaashaandhigga, Somaliya qudheedana waxaa uu jahwareer ka jiraa militariga dareyska qaba iyo Siyaasiyiinta Wasaaradda Gaashaandhigga xiriirka ka dhaxeeya, macnaha sida ay u wada shaqeynayaan. Waxaa la rabaa Wasiirku inuu ku ekaado dejinta siyaasadda difaaca, la xiriiridda beesha caalamka, yabooh u raadinta dagaalka, la xiriiridda wasaaradaha kale ee Amniga iyo Arrimaha Gudaha, wixii siyaasad ah waaye shaqadiisa." Ayuu yiri Ergayga.
Waxa kaloo uu yiri "Wasiirku wuxuu bilaabay, welibana uu wadaa inuu kala sarreyntii ciidanka inta uu xagga iska dhigo inuu la hadlo Taliyeyaal Guuto iyo Taliyeyaal Urur, Wasiirku wuxuu sameynaya Taliyihii Ciidanka Xoogga Dalka amaruu bixiyay inuu yiraahdo beentiisa waaye, Wasiirku wuxuu sameynaya Madaxweynaha inuu been fartiino (ka been sheego) oo uu yiraahdo Madaxweynahaa saas yiri oo amarkiisa waaye. Wasiirku amaro uu baxshay iyo amaro baxay oo inuu joojiyo ay ahayd, xog khaldan oo Madaxweynaha uu siiyay iyo Madaxweynaha oo uu ka been sheegay ayaa Xasan Tuure iyo Ciidankii Danab ay Galcad ugu baaba'een."
Maxamed Cabdi Waare oo la hadlay Channel-ka Youtube ee Hanoolaato ayaa yiri "Taliyeyaashii aqoonta lahaa oo jooga ayaa inta lala hadlaa waxaa la leeyahay saas iyo saas hala yeelo, Taliyeyaashii Militariga oo qaylinaya oo dhahayo war meeshaan ciidan lama dejin karo, war ciidanka saf ballaaran ha u socdo, war ciidanka ha is garabsado ayaa ciidankii Cowsweyne la dejiyay. Sababta Wasiirka ula dagaalamayay Taliyihii hore ee Ciidanka Xoogga Dalka iyo Taliyaha cusubna uu ula dagaalamayo, maxay yihiin waxa uu isagu wato?"
Waxa uu sheegay in muddo 20 cisho uu soo joogay Magaalada Dhuusamareeb, isla-markaana uu hayo xog sheegeysa in Wasiirku uu lacago u qaybiyay Taliyeyaal ciidan oo ku sugan furimaha dagaalka, isagoona su'aal geliyay halka Wasiirku uu lacagtaasi ka keenay iyo ujeedada uu ka leeyahay.
"Aniga 20 maalmoodaa soo joogay Dhuusamareeb, waxaan hayaa xog Wasiirku inuu ururo iyo guutooyin jooga furinta Taliyeyaashooda lacag u qaybinayo, labaatan kun oo dollar, shan kun iyo lix kun, ujeedada uu ka leeyahay maxay tahay Wasiirku, intuuse ka keenay lacagtan, ajandaha uu wataana maxay yihiin?" Ayuu yiri Maxamed Cabdi Waare.
Isaga oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu yiri "Waxay ku dhammaatay Taliyihii Nabad Sugidda iyo Gudoomiyihii Maxkamadda Ciidamada Militariga xog uu isagu bixiyay iyo amar uu bixiyay inay halis daqiiqado ah u galeen naftooda in la wayo."
Waare ayaa intaasi ku daray "Sidaasi daraadeed aniga maka aamusi karo. Lacagaa la qaatay iyo waxbaa la musuq-maasuqay waxaas waxba igama gelin, ileen nafaa lagu qamaaraya."
Mar wax laga weydiiyay waxa ka dhaxeeya weeraradii Maleeshiyada Al Shabaab ka gaysteen Degmada Galcad iyo deegaanka Cowsweyne ayaa ku jawaabay "Isku nashqad waaye, isku nashqad waaye."
Warka Waare ayaa imaanaya, xilli maalmihii ugu dambeysay ay isa soo tarayeen wararka sheegaya in khilaaf uu soo kala dhexgalay Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, General Ibraahim Sheekh Muxudiin Caddow iyo Wasiir Jaamac, ka dib weerarkii Shabaabku ay 26-kii bishii August ka gaysteen deegaanka Cowsweyne, oo hoostagga Degmada Galhareeri ee Gobolka Galgaduud.
Weerarkan ayaa sababay in ciidamadu ay gadoodaan, isla-markaana ay soo banneeyaan degmooyin iyo deegaano dhaca Galmudug, tani oo keentay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu si hoose u eego cabashada ciidamada, ee ah in kuwo gacan saar la leh Shabaabka ay curyaaminayaan hawlgalka dib-u-xoreynta dalka.


