Maxamed Sahal Iidle oo lagu dilay duqayn ka dhacday Gobolada Jubbada Dhexe

Wararka ka imanaya Gobolka Jubbada Dhexe ayaa sheegaya in weerar xagga cirka ah lagu dilay horjooge ka tirsanaa maleeshiyada Al Shabaab.
Hay'adda Nabad Sugidda & Sirdoonka Qaranka (NISA) ayaa galabta qoraal ku sheegtay in duqayn ka dhacday duleedka Degmada Saakow ee Gobolka Jubbada Dhexe lagu dilay horjooge sare oo ka tirsan Al Shabaab.
NISA ayaan sheegin magaca ninka lagu dilay hawlgalkan, ha yeeshee ilo wareedyo lagu kalsoonan karo ayaa sheegaya in ninkaasi uu yahay Maxamed Sahal Iidle.
Wararka ayaa sheegaya in gaari uu la socday ay diyaarad dagaal gantaal kula beegsatay deegaan u dhow Degmada Salagle ee gobolkaasi.
Maxamed Sahal Iidle ayaa ka mid ahaa Saraakiishii ururkii burburay ee Raaskambooni ee sanadkii 2008 ku biiray Al Shabaab.
Ninkan ayaa mar soo noqday Madaxa Maaliyadda ee Al Shabaab iyo Gudoomiyaha Al Shabaab ugu magacaaban Gobolka Shabellaha Hoose.
Geeridiisa ayaa imaneysa, iyadoo ay sii kordhayaan hawlgalada hawada ee lagu beegsanayo horjoogeyaasha Al Shabaab.


