Maxamed Xuseen Xasan oo loo magacaabay Wasiirka Amniga Koonfur Galbeed

Hoggaamiyaha KMG Koonfur Galbeed, Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi ayaa xalay Maxamed Xuseen Xasan (John) u magacaabay in uu noqdo Wasiirka Amniga Koonfur Galbeed.

Wareegto ka soo baxday Xafiiska Hoggaamiyaha KMG Koonfur Galbeed ayaa lagu magacaabay Wasiirka cusub ee Amniga Koonfur Galbeed.

Magacaabiddan ayaa loo cuskaday baahida loo qabo dardargelinta howlaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed iyo ahmiyadda Golaha Wasiirada.

Magacaabista ayaa timid, iyadoo ay soo baxayaan warar sheegaya in Wasiirkii Amniga Koonfur Galbeed, Xasan Cabdiqaadir Maxamed uu ka dhega-adeygay inuu ku soo laabto Magaalada Baydhabo.

Wasiirka ayaa ka mid ahaa masuuliyiin iyo saraakiil horey u sii raacay Ciidamadii Koonfur Galbeed ee 30-kii bishii March isaga baxay magaalada, isla-markaana tegay deegaanka Awdiinle oo qiyaastii 30km jihada galbeed uga beegan Baydhabo.

Ciidamadan ayaa magaalada isaga baxay, iyagoo wata tiro gaadiidka dagaalka ah, waxayna isugu jiraan Daraawiishta Koonfur Galbeed, Ilaaladii Gaarka ee Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) iyo maleeshiyaad ku heyb ah Madaxweynaha.

Masuuliyiintan iyo Saraakiisha Ciidamada oo saldhig ka sameystay Awdiinle ayaa u muuqdo kuwo aan ku qanacsaneyn is bedelkii maamul ee dhawaan ka dhacay magaalada.

Si kastaba ha-ahaatee magacaabidda Wasiirka Amniga Koonfur Galbeed ayaa imaneysa saddex toddobaad ka hor doorashada tooska ah ee lagu wado inay ka dhacdo deegaanada Koonfur Galbeed.