Maxkamadda Ciidamada oo dil toogasho ku fulisay xubno ka tirsanaa Al Shabaab

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa saaka dil toogasho ku fulisay laba nin oo ka tirsanaa maleeshiyada Al Shabaab, kuwaas oo horey ay maxkamaddu ugu xukuntay dil.

Ragga la toogtay ayaa lagu magacaabayay Saleebaan Xuseen Nuur Cali oo afgarashadiisu ahayd Cali & Siyaaf iyo Cabdiqaadir Abuukar Axmed, oo isna Shabaabka dhexdooda looga yaqiinay Nasruddiin & Saabir.

Maxkamadda ayaa kol hore ku heshay in ay ka tirsan yihiin Al Shabaab, isla-markaana ay dilal ka gaysteen Magaalada Muqdisho.

Xukunka dilka ee raggan lagu fuliyay ayaa tirada xubnaha Shabaabka ee bishan August la toogtay ka dhigeysa sideed nin.

Gudoomiyaha Maxkamdda Darajada 1aad ee Ciidamada Qalabka Sida, Korneyl Xasan Cali Nuur (Shuute) ayaa mar sii horreysay sheegay in ay si is daba joog ah u fulin doonaan xukunada dilka.

Xabsiga Dhexe ee Xamar ayaa waxaa ku xiran dad fara-badan oo dil sugeyaal ah, kuwaas oo u badan Ciidamada Dowladda Federaalka iyo maleeshiyada Al Shabaab, oo lagu helay in ay dilal gaysteen.

Maxkamadda Militariga ee Muqdisho ayaa la sheegaa in laba illaa saddex sano ay ka gaabisay fulinta xukunada dilka ah, taas oo keentay in tirada dadka dil sugeyaasha ay isbiirsaaan.

Dib u bilaabidda maxkamadda ee fulinta xukunada dilka ayaa waxay imaaneysaa, iyadoo ay ciidamadu u diyaargaroobayaan guluf ka dhan ah kooxaha argagixisada, meelaha qaarkoodna ayba hawlgalada ka socdaan.