Maxkamadda Ciidamada oo xukuntay Sarkaal ka tirsan Ururka Daacish

Maxkamadda Darajada 1aad ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa maanta xukuntay nin lagu helay in uu ka tirsan Daacishta Somaliya.

Maxkamadda ayaa 15 sano oo xabsi ah ku xukuntay Warsame Cabdi Xasan Aadan, kaas oo Daacish u qaabilsanaa inuu dhaqaalaha uga uruuriyo ganacsatada Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho.

Maxkamadda ayaa ku heshay inuu argagax-geliyay ganacsatada, waxaana maxkamadda lagu soo bandhigay muuqaalo la sheegay inuu ninkaasi ka soo muuqday, isaga oo rasaas ku faraya dad ku sugan xarumo ganacsi oo ku yaala Bakaaraha, kuna amraya in ay xiraan, haddii aanay bixinayn canshuurta ay Daacish ka dooneyso.

Warsame Cabdi ayaa bishii October ee sanadkii hore lagu qabtay hawlgal ay ciidamada amniga ka sameeyeen Caasimadda Muqdisho. 

Ninkan oo 37 sano jir ah ayaa sanadkii 2020 ku biiray Daacishta uu fadhigeedu yahay Buuraha Gobolka Bari.

Bilowgii sanadkii 2022 ayaa lagu qanciyay inuu ka hawlgalo Magaalada Muqdisho, isagoona ka masuul ahaa amarkii ay dhowr cisho Daacish ku hakisay in la furo goobaha ganacsi ee Suuqa Bakaaraha, gaar ahaan xarumaha ay leeyihiin ganacsatada diiday inay dhaqaalaha siiyaan.

Warsame Cabdi ayaa wareysi ku sheegay, ka hor inta aanu Daacish ku biirin inuu xoolaha ku raaci jiray Gobolka Gedo.

Daacishta Somaliya waa garab ka go'ay Ururka Al Shabaab, waxaana 25-kii bishii October ee sanadkii 2015 looga dhawaaqay Buuraleyda Gobolka Bari ee Puntland.