Maxkamadda Gobolka Banaadir oo loo gudbiyay kiiska 36 nin oo ajaaniib ah

Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa maanta Maxkamadda Gobolka Banaadir u gudbiyay eedda 36 nin oo ajaaniib ah, kuwaa oo ku eedeysan in si sharci darro ah kaga kalluumeysanayeen xeebaha dalka.

Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ayaa Maxkamadda Gobolka Banaadir ka codsaday in la muddeeyo dhageysiga dacwadda eedeysaneyaasha.

Xafiiska Xeer Ilaaliyaha ayaa bogaadiyay Ciiidanka Ilaalada Xeebaha oo bishii hore ee April gacanta ku soo dhigay ajaaniibtan, iyagoona ku soo qabtay laba doomood oo ay saaran yihiin ugu yaraan kalluun qiyaas ahaan dhan 30 tan.

Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo ay ka go’an tahay horgeynta sharciga qof kasta oo lagu soo qabto kalluumeysi baalmarsan sharciga ayaa uga digay shakhsiyaadka iyo shirkadaha faa'iidada ka raadinaya kalluumeysiga sharci darrada ah.

Ma cadda dalalka ay u dhasheen lix iyo soddonkan nin ee ajaaniibta ah, laguna hayo xabsi ku yaala Magaalada Muqdisho.