Maxkamadda Gobolka Banaadir oo xukuntay 36 nin oo ajaaniib ah

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa maanta go'aan ka gaartay kiiska dacwadda 36 nin ah oo ajaaniib ah, kuwaa oo lagu soo eedeeyay in sifo sharci darro ah kaga kalluumeysanayeen xeebaha dalka.

Raggan oo u kala dhashay dalalka Pakistan iyo Iran ayaa waxaa bishii April gacanta ku soo dhigay Ciidanka Ilaalada Badda, xilli ay si sharci darro ah kaga kalluumeysanayeen xeebaha dalka.

Ciidamada ayaa raggaasi ku soo qabtay laba doon iyo kalluun gaaraya 24 tan. Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaana Maxkamadda Gobolka Banaadir ku wareejiyay kiiskooda, si ay caddaaladda u waafajiso.

Maxkamadda oo raggaasi ku heshay eedeymihii uu ku soo oogay Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa ku xukuntay xukun isugu jira ganaax lacageed iyo inay magdhow ka bixiyaan, sifadii sharci darrada ahayd ee ay dalka kaga kalluumeysanayeen.

Gudoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir, Garyaqaan Saalax Cali Maxamuud ayaa mid kasta ku xukumay inuu bixiyo ganaax lacageed oo dhan 11 kun oo dollarka Mareykanka ah iyo inay si wadajir ah u bixiyaan magdhow gaaraya 30 kun oo dollar, oo ah kalluunkii sharci darrada ahaa ee ay biyaha Somaliya ka jilaabteen.

Gudoomiyaha ayaa sidoo kale ku dhawaaqay in maxkamaddu ay la wareegtay doomihii & kalluunkii raggaasi lagu soo qabtay iyo weliba qalabkii ay wax ku kalluumeysanayeen.

Gudoomiyaha ayaa tilmaamay in xukunasaneyaasha ay haystaan 30-ka cisho ee sharcigu ogolyahay in ay rafcaan kaga qaadan karaan xukunkaasi.

"Cidda aan ku qancin xukunkan, waxaa u furan rafcaan ku siman inta sharcigu uu tilmaamay. Xukunkan waxaa la gaaray maanta oo taariikhdu tahay 6/6/2023." Ayuu yiri Gudoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir.