Maxkamadda Militariga oo dooneysa in xasaanadda laga qaado Xildhibaano ku leh colaadda beelaha

Maxkamadda Militariga Somaliya ayaa waddo qorshe ay Guddoonka Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ku weydiineyso in xasaanadda laga qaado xubno ka tirsan Baarlamaanka, kuwaas oo lagu eedeynayo in ay ku lug leeyihiin dilalka ay maleeshiyaadka beelaha ka gaysanayaan meelo ka mid ah Gobolka Shabellaha Hoose.

Xeer Ilaaliye Kuxigeenka Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida, Gaashaanle Muumin Xuseen Cabdullaahi oo maanta Warbaahinta kula hadlay deegaanka Yaaq-bariweyne oo hoostaga Degmada Wanlaweyn ayaa sheegay in ay jiraan masuuliyiin xasaanad leh, oo uu sheegay in ay hurinayaan rabshadaha ay maleeshiyaadkaasi ka gaysanayaan waddada u dhaxeyso Wanlaweyn iyo Yaaq-bariweyne.

"Waxaa jira masuuliyiin xasaanad leh oo ka soo kala jeeda labada dhinac ee ku dagaalamay Degmada Wanlaweyn. Masuuliyiintaas waxa ay maleeshiyaadka siiyaan hub, rasaas, lacago iyo sidoo kalena waxay ku difaacaan afka oo dhanka barraha bulshada ayay taageero iyo difaac la hortaagan yihiin mar walba." Ayuu yiri Xeer Ilaaliye Kuxigeenka Maxkamadda Ciidamada.

Waxa uu sheegay in ay hayaan caddeymo ku saabsan in masuuliyiintaasi oo magacyadoodu uusan sheegin ay hoos yimaadaan labada maleeshiyo.

"Hadda waxaan soo uruurinay ama aan helnay caddeymo fara-badan oo caddeynaya in masuuliyiintaasi xasaanadda leh ay taakuleeyaan ama ay hoos yimaadaan maleeshiyaadkii ku dagaalamay Degmada Wanlaweyn." Ayuu yiri Gaashaanle Muumin Xuseen Cabdullaahi.

Gaashaanle Muumin Xuseen ayaa tilmaamay in ay caddeymahan la wadaagi doonaan Guddoonka Baarlamaanka Federaalka iyo Guddiga Anshax Marinta ee Baarlamaanka, si ay u weydiistaan codsi xasaanad ka qaadis ah, ka hor maxkamadeyntooda.

"Waxaan horgayn doonnaa caddeymaheenna iyo codsi xasaanad ka qaadis Guddoonka Baarlamaanka Federaalka Somaliya iyo Guddiga Anshax Marinta ee Baarlamaanka." Ayuu yiri Gaashaanle Muumin Xuseen.

Masuuliyiintan uu eedeynayo Gaashaanle Muumin Xuseen, inkastoo aanu magacyadoodu xusin ayaa loo maleynaya in ay ka mid yihiin Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow iyo Xildhibaan Sareedo Maxamed Cabdalla oo ka tirsan Golaha Shacabka.

Xildhibaanada ayaa xasaanadda looga qaadi karaa codayn ay sameeyaan Xildhibaanada Baarlamaanka.

Haddii Xildhibaanka xasaanad ka qaadis lagu sameeyo, taasi macnaheedu waxaa weeye in dhaqdhaqaaqiisa la xakamaynayo iyo in uusan magaalada amaba dalka ka bixi karin, illaa iyo inta laga maxkamadeynayo, iyadoona xitaa muddadaasi la gelin karo xabsi guri amaba in lagu hayn karo meel kale oo ammaan ah.

Xildhibaanka ayaa sida uu dastuurku qabo, waxa uu xasaanadda ku waayi karaa jebinta shuruucda dalka iyo ku xadgudubka xeerarka Baarlamaanka.

Hadalkan ka soo yeeray Xeer Ilaaliye Kuxigeenka Maxkamadda Militariga ayaa imanaya, xilli maxkamaddu ay Sabtidii xukuno dil iyo xabsi isugu jira ku xukuntay qaar ka mid maleeshiyaadka beelaha ee labadii sano ee la soo dhaafay dilalka ka gaysanayay inta u dhaxeyso Degmada Wanlaweyn iyo Yaaq-bariweyne.

Maxkamadda aya markiii ugu horreysay soo fara-gelisay rabshadaha ay ku lugta leeyihiin maleeshiyaad qabaa'ilada ee hubeysan, ka dib falkii ay dadku ka caroodeen ee 7-dii bishan ka dhacay tuulada Dudumaaye oo hoostagta Wanlaweyn, laguna gubay nin oday ahaa oo lagu magacaabi jiray Isxaaq Daa’uud Maxamed.