Maxkamadda Rafcaanka Gobolka Banaadir oo dhageysatay rafcaanka Sayid Cali

Maxkamadda Rafcaanka Gobolka Banaadir ayaa maanta dhageysatay asbaabta rafcaan qaadashada ee Sayid Cali Macalin Daa'uud, oo ay horey Maxkamadda Gobolka Banaadir ugu xukuntay dil toogasho.

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa 6-dii bishii hore ee March ku heshay ninkaasi in uu nolosha ku gubay xaaskiisii Luul Cabdicasiis Maxamed, iyadoona ku xukuntay dil toogasho, oo ah qiyaastii marxuumad Luul Cabdicasiis.

Marxuumadda ayaa 2-dii bishii February u geeriyootay dhaawac ka soo gaaray falka lagu gubay, oo 26-kii bishii January uu saygeeda ugu gaystay hoygooda oo ku yiilay Waaxda Labaad ee Degmada Dharkiinley.

Fadhigii maanta ee Maxkamadda Rafcaanka Gobolka Banaadir ayaa lagu dhageystay asbaabta rafcaan qaadashada ay soo gudbiyeen qareenada ninkaasi iyo jawaabta Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka.

Abukaate Cali Xalane oo ka mid ah qareenada difaacaya Sayid Cali, ugu horreyna ka hadlay fadhiga maxkamadda ayaa ku dooday in xukunkii hore ee Maxkamadda Gobolka Banaadir uu baalmarsanaa sharciga, sababo ku aaddan Qodobada Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed ee ay maxkamadda u cuskatay xukunka eedeysanaha. Sidaasi daraadeedna ay Maxkamadda Rafcaanka Gobolka Banaadir ka doonayaan inay aqbasho rafcaanka ay ka qaateen xukunkaasi.

Kuxigeenka Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, Yaxye Maxamuud Saciid ayaa dhankiisa Maxkamadda Rafcaanka ka codsaday inay ayiddo xukunkii hore, isla-markaana aysan aqbalin rafcaan qaadashada ay dalbanayaan qareenada eedeysanaha.

Gudoomiyaha Maxkamadda Rafcaanka Gobolka Banaadir, Saciid Cali Maxamed ayaa intaasi ka dib ku dhawaaqay inay maxkamadda go'aan ka gaareyso asbaabta rafcaan qaadashada, dibna ay ka soo muddeyn doonto fadhigan midka xigga.

Cabdicasiis Maxamed oo ah aabaha dhalay marxuumadda ayaa ku celiyay inaanay qaadan doonin wax diyo/mag ah, isla-markaana ay doonayaan oo keliya in loo qisaaso ninkii dilay gabadhiisa.

Luul Cabdicasiis oo ahayd hooyo uur leh ayaa ifka uga tagtay lix carruur oo agoon ah, oo ay u dhashay saygeedii hore ee geeriyooday.

Iskusoo wada-duuboo shacabka ayaa si dhow isha ugu haya, waxa uu noqon doono go’aanka laga sugayo Maxkamadda Rafcaanka Gobolka Banaadir.