Maxkamadda Sare Dalka oo diiday rafcaankii uu Sayid Cali ka qaatay xukunka toogashada
Maxkamadda Sare Dalka ayaa maanta diiday asbaabtii rafcaan qaadashada ee Sayid Cali Macalin Daa’uud, oo ay horey Maxkamadda Gobolka Banaadir iyo tan Rafcaanka ay ugu xukumeen dil toogasho, ka dib markii lagu soo eedeeyay in uu nolosha ku gubay xaaskiisii Luul Cabdicasiis Maxamed.
Fadhigii maanta ee Maxkamadda Sare ayaa laga soo saaray go'aanka maxkamadda, ka gadaal markii ay 24-kii bishii hore ee August dhageysatay asbaabta rafcaan qaadashada ay soo gudbiyeen qareenada ninkaasi iyo jawaabta Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka.
Gudoomiyaha Maxkamadda Sare, Garyqaan Baashe Yuusuf Axmed ayaa ku dhawaaqay go'aanka diidmada ee maxkamadda, kuna ayidday xukunkii hore ee Maxkamadda Rafcaanka Gobolka Banaadir, waana xilli si weyn isha loogu hayay go'aankeeda ah inay diidi karto asbaabta rafcaan qaadashada iyo inay hore u sii wadeyso dhageysiga kiiskaasi.
Gudoomiyaha ayaa sheegay in go'aanka maxkamadda lagu saleeyay in qareenada difaaca aysan si cad u iftiimin cabashadii ay ka ahaayeen, sida xukunkii hore loogu dhisay arrimaha is burinaya ay ku doodeen.
"Xukunku wuxuu ku qotomaa asbaab sharci oo maangal ah." Ayuu yiri Gudoomiyaha oo akhrinayay go'aanka uu garsoorku ku ayiday xukunkii dilka toogashada ahaa ee ay 15-kii bishii May Maxkamadda Rafcaanka Gobolka Banaadir ku ridday Sayid Cali Macalin Daa'uud.
Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ayaa ku nuuxnuuxsaday in caddeymo xoogan loo hayo in marxuumadda ay u geeriyootay dhaawicii dabka ka soo gaaray.
Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa 6-dii bishii March ku heshay Sayid Cali in uu 26-kii bishii January ee sanadkan uu xaaskiisa ku gubay hoygooda oo ku yiilay Waaxda Labaad ee Degmada Dharkiinley. Maxkamadda ayaana xilligaasi ku xukuntay dil toogasho.
Hadda, Maxkamadda Sare waxay ahayd meeshii ugu dambeysay ee sharci, isla-markaana ay rajada ka dhowrayeen qareenadii difaaceysay ninkaasi.
Go'aankan maanta ka soo baxay Maxkamadda Sare ayuu macnaheedu yahay in ninkaasi lagu fulinayo dilka toogashada, haddii aysan qoyska Luul Cabdicasiis ka laaban doonistooda ah in loo qisaaso.
Aabaha dhalay Luul Cabdicasiis iyo xubnaha kale ee qoyska ayaa billihii ugu dambeeyay ku doodayay inaysan qaadan doonin wax aan ahayn in ninkaasi lagu fuliyo xukunka dilka toogashada, oo ah qisaastii marxuumad Luul Cabdicasiis.
Luul Cabdicasiis oo ahayd hooyo uur leh ayaa ifka uga tagtay lix carruur oo agoon ah, oo ay u dhashay saygeedii hore ee geeriyooday.
Kiiskan oo ahaa mid xasaasi ah ayaa noqonaya mid ka mida kiisaskii ugu adkaa ee soo mara maxkamadaha Muqdisho.