Midowga Afrika oo baaq u diray Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Golaha Mustaqbalka

Ururka Midowga Afrika ayaa walaac ka muujiyay wada hadaladii natiijo la'aanta ku soo dhamaaday ee Dowladda Federaalka iyo Golaha Mustaqbalka ay ku yeesheen Magaalada Muqdisho.

Guddiga Midowga Afrika ayaa sheegay inay bogaadinayaan rabitaanka labada dhinac ee Dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh uu hoggaamiyo iyo Hoggaanka Mucaaradka, ee ah in ay galaan wada hadal toos ah oo loo dhan yahay, isla-markaana ay ku jirto danta Somaliya iyo shacabka Soomaaliyeed.

Guddiga Midowga Afrika ayaa warsaxaafadeed uu caawa fiidkii soo saaray kaga digay in labada dhinac ay ku adkeystaan mowqifyadooda kala duwan, wuxuuna dhamaan daneeyeyaasha siyaasadda uu ugu baaqay inay si degdeg ah dib ugu heshiiyaan wada hadal siyaasadeed oo loo dhan yahay, isla-markaana wax ku ool ah, iyadoo loo marayo gorgortan dhab ah, isu tanaasul iyo u hoggaansanaanta dastuurka dalka.

Guddiga Midowga Afrika ayaa dib u xaqiijiyay, sida ay uga go'an tahay in si buuxda loo xaqiijiyo waajibaadkooda shaqo ee Somaliya, oo uu ku jiro Hawlgalka AUSSOM ee Dowladda Federaalka lagaga taageero arrimaha amniga iyo la dagaalanka maleeshiyada Al Shabaab, wuxuuna guddigu bogaadiyay fududaynta joogtada ah ee Qaramada Midoobey, Midowga Afrika iyo saaxiibada labada dhinac ee gacanta ka gaysanaya dhexdhexaadintooda.

Guddiga ayaa ugu dambayn dhiirigeliyay in la joogteeyo isku dubaridka diblomaasiyadda caalamiga ah ee lagu doonayo in lagaga heshiiyo khilaafaadka siyaasadeed ee ka jira Somaliya.

Somaliya ayaa gashay marxalad cusub oo kala guur siyaasadeed ah, inkastoo aanu weli jirin wax heshiis ah oo laga gaaray nooca doorasho ee dalka laga qabanayo.

Is mari-waagga siyaasadeed ee muddooyinkanba u dhaxeeyay Dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Siyaasiyiinta Mucaaradka ayaa caqabad ku noqon kara geeddi-socodka dimoqraadiyadda, xoojinta dowladnimada, hay'adaha ammaanka iyo xasilloonida dalka.