Midowga Afrika oo xoojiyay baaqii Qaramada Midoobey ee Somaliya

Ururka Midowga Afrika ayaa ku baaqay in wada hadal nabadeed laga sameeyo Somaliya, iyadoo ay ka sii dareyso xiisadda u dhaxeysa Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.

Gudoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, Maxamuud Cali Yuusuf ayaa Axaddan Madaxda Soomaaliyeed ugu baaqay inay yeeshaan wada hadal nabadeed, oo lagu dhameynayo xiisadda siyaasadeed ee dalka ka jirta.

Gudoomiyaha Guddiga Midowga Afrika oo walaac ka muujiyay khilaafka sii xoogeysanaya ee Villa Somalia iyo Koonfur Galbeed ayaa waxa uu dhinacyada ku booriyay in ay is xakameeyan, si looga hortago in xaaladdu ay faraha ka baxdo.

Maxamuud Cali Yuusuf ayaa ka digay in xiisadda sii kordheysa ay halis gelineyso xasilloonida, midnimada iyo xaaladda bani'aadantinimo ee Somaliya, sida uu ku sheegay warsaxaafadeed uu soo saaray.

Maxamuud Cali ayaa ku taliyay in la qabto Shirka Golaha Wadatashiga Qaran, oo ah madal ay ku kulmaan Madaxda Dowladda Federaalka iyo kuwa Dowlad Goboleedyada, isla-markaana ay dhammaan dhinacyadu si hufan u wada hadlaan, si khilaafka jira ay si nabad ah ugu xaliyaan.

Maxamuud Cali ayaa warsaxaafadeedka ku sheegay in Midowga Afrika uu diyaar u yahay inuu taageero wada hadal iyo dib-u-heshiisiin, iyagoo dib u xaqiijinaya taageerada nabadda, xasilloonida iyo dadaalada dowlad-dhiska ee Somaliya.

Maxamuud Cali Yuusuf, Gudoomiyaha Guddiga Midowga Afrika ayaa ku nuux-nuuxsaday ahmiyadda ay leedahay in khilaafaadka siyaasadeed ee Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada Xubnaha Dowladda Federaalka lagu xaliyo wada hadal, si loo xoojiyo muhiimadda ay u leedahay midnimada iyo iskaashiga dhexdooda.

Warkiisa ayaa ah farriin uu ku xoojinayo baaqii ay xalay Qaramada Midoobey ka soo saartay dhacdooyinka ka soo cusboonaaday Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, ka dib doorashadii Sabtidii ka dhacday Magaalada Baydhabo, dibna loogu soo doortay Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) & Guddoonka Baarlamaanka iyo diidmadii adkeyd ay Dowladda Federaalka kala hortimid doorashadaasi, oo ahayd mid dadban.

Wakiilka Qaramada Midoobey ee Somaliya, James Swan ayaa ku baaqay in khilaafaadka siyaasadeed ee Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada lagu xaliyo wada hadal. Swan ayaana sheegay inay ka walaacsan yihiin saamaynta ay xiisadaha sii xoogeysanaya ku yeelan karaan xasilloonida, amniga, midnimada iyo xaaladda bani’aadantinimo ee dalka.

Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa 17-kii bishan ku dhawaaqday inay hakisay wada shaqayntii kala dhaxeysay Dowladda Federaalka, ka dib markii ay ku eedeysay inay hubeynayso maleeshiyaad, isla-markaana ay fara-gelin qaawan ku hayso maamulka, si loo wiiqo wadajirka iyo midnimada dadka reer Koonfur Galbeed.

Go'aanka Koonfur Galbeed ayaa dabka ku sii shiday khilaafkii awalba taagnaa ee Dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud kala dhaxeeyay Dowlad Goboleedyada Puntland iyo Jubbaland.