Midowga Yurub oo ka horyimid aqoonsiga Israel ee Somaliland

Midowga Yurub ayaan taageerin tallaabada Israel ay ku aqoonsatay Somaliland, iyadoona uu ku baaqay in la ixtiraamo midnimada, madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Somaliya.

Midowga Yurub ayaa dib u xaqiijiyay muhiimadda ay leedahay in la ixtiraamo wadajirka dhuleed ee Somaliya, maadaama ay fure u tahay sida ay sheegeen nabadda iyo xasilloonida Gobolka Geeska Afrika.

"Midowga Yurub wuxuu dib u xaqiijinayaa muhiimadda ay leedahay in la ixtiraamo midnimada, madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Somaliya, iyadoo la raacayo dastuurkeeda, Axdiga Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobey." Ayaa lagu yiri war uu Midowga Yurub uu Sabtidan soo saaray.

Warka ayaa lagu yiri "Tani waxay fure u tahay nabadda iyo xasilloonida Gobolka Geeska Afrika oo dhan."

Midowga Yurub ayaa Dowladda Federaalka iyo Somaliland ku booriyay in ay yeeshaan wada hadal macno leh, si xal loogu helo khilaafka muddada dheer soo jiitamayay.

"Midowga Yurub waxa uu dhiirigelinayaa wada hadal macno leh oo dhex mara Somaliland iyo Dowladda Faderaalka ee Somaliya, si loo xalliyo khilaafaadka muddada dheer soo jiray." Ayaa lagu yiri warka ka soo baxay Midowga Yurub.

Mowqifka Midowga Yurub ayaa imanaya, xilli Ururka Iskaashiga Islaamka, Jaamacadda Carabta, Midowga Afrika iyo Urur Goboleedka IGAD ay ka horyimaadeen aqoonsiga Israel ee Somaliland.