Midowga Yurub oo ka horyimid qorshaha Israel ku ballaarineyso hawlgalka Gaza

Midowga Yurub oo ka mid ah xulafada ugu weyn ee Israel ayaa ka horyimid qorshaha Israel ku ballaarineyso hawlgalkeeda Marinka Gaza.

Midowga Yurub ayaa walaac ka muujiyay in Israel ay ballaariso weeraradeeda militari ee Gaza, waxaana ugu baaqay in ay is xakameyso.

Afhayeenka Midowga Yurub, Anouar El Anouni ayaa maanta sheegay in qorshahan uu horseedi doono khasaare iyo dhibaato dheeraad ah oo ku timaada Falastiiniyiinta.

"Midowga Yurub wuxuu ka walaacsan yahay qorshaha lagu kordhinayo hawlgalka Ciidamada Israel ee Gaza, taas oo keeni doonta khasaare dheeraad ah iyo silica dadka reer Falastiin." Ayuu yiri Afhayeenka.

Afhayeenka ayaa Israel ugu baaqay inay muujiso xakameynta ugu badan, iyada oo aan uga sii dareynin xaaladda dadka rayidka ah.

Golaha Wasiirada Amniga ee Israel ayaa xalay cod aqlabiyad leh ku ansixiyay in la ballaariyo hawlgalka ay ciidamadooda ka wadaan Marinka Gaza.

Taliska Militariga Israel ayaa u yeeray tobanaan kun oo ka mid ah ciidamada kaydka, si ay uga qayb qaataan hawlgalkan oo Israel ay damacsan tahay in dhul cusub kaga qabsato Gaza.

Israel ayaa qorsheynaysa in ciidamadeeda ay si qoto dheer gudaha ugu galaan deegaanada waqooyiga Marinka Gaza, isla-markaana ay halkaasi ka sameystaan saldhigyo ay joogi doonaan muddo dheer.

Qorshahan ayaa waxay qayb ka ah in ciidamadu ay sidoo kale xuduud cusub ka dhex sameeyaan koonfurta Marinka Gaza iyo dalka Masar, iyaga oo markaasi degaya inta u dhaxeyso deegaanada Rafah oo xuduudda Masar saaran iyo Khan Yuunis oo koonfurta Marinka Gaza ah.

Israel ayaa riixeysa in dhulka ay degayaan ciidamadeeda laga barakaciyo shacabka ku nool.

Taliyaha Ciidamada Israel, General Eyal Zamir oo booqday Ciidanka Badda ayaa ugu baaqay in ay ka qayb qaataan hawlgalka Gaza.

"Waxaan kordhin doonnaa cadaadiska ka dhanka ah Xamaas, si aan u jebino Xamaas, isla-markaana aan dadkeenna u soo ceshano." Ayuu yiri Taliyuhu.

Taliyaha oo sii hadlayay ayaa yiri "Waxaan ka hawlgali doonnaa deegaano dheeraad ah, waxaana burburin doonnaa dhammaan kaabeyaasha argagixisada."

Tani ayaa waxay wiiqeysaa dadaaladii caalamiga ee lagu doonayay in Israel iyo Xamaas ay gaaraan heshiis lagu soo afjarayo colaadda Gaza, isla-markaana lagu sii deynayo maxaabiista, maadaama sii socoshada colaaddan ay keeni karto in maxaabiista harsan ay dhintaan.

Arrintan ayaa la sheegaya in durbaba ay guux ka dhalisay gudaha Israel, haddii ay jiraan Israeliyiin badan oo diidan in halis la geliyo maxaabiistooda lagu haysto gudaha Gaza.

Raysal Wasaare Benjamin Netanyahu iyo Wasiirada xagjirka ah ee ku daaban ayaa 18-kii bilood ee la soo dhaafay ku guuldareystay in ciidamadoodu ay xoog ku soo furtaan Israeliyiinta gacanta ugu jira kooxaha iska caabinta Falastiiniyiinta.