Midowga Yurub oo Madaxweyne Xasan Sheekh ku wargeliyay in mallaayiin dollar la siinayo Somaliya

Safiirka Midowga Yurub ee Somaliya, haweeneyda lagu magacaabo Francesca Di Mauro ayaa sheegtay inay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku wargelisay in Midowga Yurub uu 138 milyan oo Euro ugu deeqayo Hawlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM iyo dadaalada wax looga qabanayo xaaladda bani'aadantinimo ee ka jirta dalka.
Waxay sheegtay in intii ay Axaddii kulanka la lahayd Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ay ku wargelisay in Midowga Yurub uu qoondeeyay in 75 milyan oo Euro la siiyo Hawlgalka AUSSOM ee Somaliya.
Francesca Di Mauro ayaa caawa barteeda X ku daabacday in sidoo kale ay Madaxweynaha la wadaagtay in Midowga Yurub uu 63 milyan oo Euro uu ku taageerayo dadka Soomaaliyeed ee ay saameeyeen abaaraha ba'an, iyadoo loo sii marinayo Hay'adda Ilaalinta Madaniga & Gargaarka Bani'aadantinimo ee Midowga Yurub (EU ECHO).
Haweeneydan ayaa qoraalkeeda ku xustay in loo baahan yahay in culeyska la qaybsado, oo ay ula jeeddo in la sii wado wadaagga kharashaadka ee difaaca caalamiga ah iyo dhibaatooyinka bani'aadantinimo, si aanu dhinac qura ugu khasbanaan inuu daboolo baahiyaha aasaasiga ah, tani oo wax ka qabaneysa isku dheelitir la'aanta ee taageerada caalamiga ah.
Midowga Yurub waa mid ka mid ah deeqbixiyeyaasha ugu weyn ee Dowladda Federaalka ka taageera arrimaha amniga iyo bani'aadantinimada, oo ah laba qodob oo isku xiran oo saamayn toos ah ku leh nolosha shacabka Soomaaliyeed.
Xaaladda amniga iyo tan bani'aadantinimada ee Somaliya ayaa mudnaan gaar ah u leh xasilloonida iyo dib u soo kabashada dalka.


