Militariga oo sheegay in dhowr nin ay ka soo qabteen aagga Yaaq-bariweyne

Taliyaha Guutada 7aad, Qaybta 12-ka April ee Ciidanka Xoogga Dalka, Axmed Cabdi Cali (Axmed Gaashaan) ayaa sheegay in ciidamadu ay maanta hawlgal laba weji leh ay ka sameeyeen, inta u dhaxeyso Degmada Wanlaweyn iyo Yaaq-bariweyne ee Gobolka Shabellaha Hoose.

Taliyaha ayaa sheegay in hawlgalku uu isugu jiray isbaaro qaadis iyo mid lagu baadigoobayay lixda nin ee dilka ku xukuman ee baxsadka ah.

"Hawlgalkaas laba ayuu u qaybsanaa, qayb isbaaro qaadis ah iyo qayb lagu baadigoobayo ragga xukunsaneyaasha. Ilaahay wuxuu nagu guuleeyay qaybta isbaarooyinka inaan isbaaradii qaadno, dadkii meeshaasi lagu haystayna aan ka sii dayno." Ayuu yiri Taliyaha oo shir jaraa'id ku qabtay Degmada Wanlaweyn.

Taliyaha ayaa tilmaamay in dagaal muddo kooban socday, kana dhacay halkii ay isbaarada tiilay ay ku dhinteen saddex nin oo maleeshiyadii isbaarada dhigatay ah, mana sheegin wax khasaare ah oo dagaalkaasi ka soo gaaray Ciidamada Militariga iyo Booiska Degmada Wanlaweyn, oo sida uu sheegay hawlgalkaasi iska kaashaday.

"Dagaal yar oo kooban oo ka dhacay isbaaraada, waxaa ku naf waayay saddex nin oo kuwii isbaaraada u taalay ah, oo lagu kala magacaabo Cumar Cali, Maxamuud Waalow iyo Muuse Geesow, waxayna ku naf waayeen goobtii ay isbaarada u taalay." Ayuu yiri Taliyaha Guutada 7aad ee Ciidanka Xoogga Dalka.

Taliyaha ayaa xusay in hawlgalka isbaaro qaadista lagu soo qabtay afar nin, oo laba ka mid ah ay dhaawac tahay.

"Waxaan kaloo soo qabanay laba dhaawac ah iyo laba fiyow oo aan gacanta ku hayno, hubkoodiina waa kanaa aad arkaysiin. Haddii Ilaahay yiraahdo hawlgalku wuu sii socon doonnaa." Ayuu yiri Taliyuhu.

Taliye Axmed Gaashaan ayaa ragga baxsadka ah ee dilka ku xukuman ugu baaqay in ay isa soo dhiibaan, isla-markaana ay ogolaadaan in si sharaf leh loogu wareejiyo Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida oo 22-kii bisan dilka toogashada ku xukuntay.

"Kuwa dhuumaaleysanaya ee bannaanka jooga, waxaan leenahay bannaanka iskuma hayn doontaanee si sharaf ah isu soo dhiiba, si sharaf ah maxkamadda aan idiinkugu wareejino, si sharaf ah ha la idiin toogto oo xadka ha la idiinka oofiyo, si sharaf ah ha la idiin duugo ayaan leenahay, intaad baahi bannaanka ugu dhiman lahaydeen ama xabadeenna idinku dhici lahayd." Ayuu yiri Taliye Axmed Gaashaan.

Taliyaha ayaan soo hadal qaadin iska caabin xoog leh oo maanta ay kala kulmeen maleeshiyaad difaaceysa ragga baxsadka ah oo ku sugan meel u dhow Yaaq-bariweyne.

Taliye Gaashaan ayaan xitaa soo hadal qaadin dhowr nin oo kale oo isla maanta ay ka soo xireen gudaha Yaaq-bariweyne oo hawlgal ay ka sameeyeen.

Ragga la doon doonayo iyo maleeshiyaad hab beeleed u abaabulan ayaa la fahamsan yahay in ay ku sugan yihiin bannaanka Yaaq-bariweyne. Maleeshiyadan oo aad u hubeysan ayaa gabaad siineysa raggaasi.

Axmed Cabdi Cali, Taliyaha Guutada 7aad ayaan wax faallo ah ka bixin dad rayid ah oo ku dhintay, intii ay hawlgalkan wadeen.