Militariga oo soo xiray meelihii furnaa ee laga soo gelayay Baydhabo
Taliska Militariga Somaliya ayaa ciidamo geeyay meelihii furnaa ee laga soo geli jiray Magaalada Baydhabo, isla-markaana aan ahayn kontoroolada caadiga ee la soo galo magaaladaasi.
Wararka ayaa sheegaya in Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka ay Axaddii ciidamo dhigeen meelo ka mid ah duleedka waqooyi ee Baydhabo, halkaas oo ah meesha ay Sabtidii magaalada ka soo galeen ciidamada taageersan Madaxweynihii Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen).
Ciidamadan ayaa saacado ka dib laga riixay bartamaha magaalada, halkaas oo dagaal xoogan ay kula galeen Ciidanka Xoogga Dalka, Booliska Sida Gaarka ah u tababaran ee Haramcad iyo Booliska Baydhabo.
Weerarkan ayaa muujiyay in ay laga maarmaan tahay in hoos loo eego meelaha laga soo geli karo magaalada, si looga hortagi falalka lagu qalqalka gelin karo amnigeeda.
Maalmaha soo socda ayaa noqon doona kuwa ugu mashquulka badan ee Doorashada Koonfur Galbeed, maadaama ay tahay inay Xildhibaanadu ku doortaan Guddoonka Baarlamaanka iyo Hoggaamiyaha cusub ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.
Taliye Kuxigeenka Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka, General Cabdullaahi Aadan Xuseen (Cirro) oo Dowladda Federaalka ugu xil saaran inuu qaabeeyo amniga Baydhabo, muddada doorashada ayaa wada dadaalada ay ciidamadu ku adkeynayaan nabadgelyada magaalada.
General Cirro oo ay la socdaan Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta & Daaqa ee Xukuumadda Federaalka, Xasan Xuseen Maxamed (Xasan Eelaay), Taliyaha Qaybta 60aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, G/dhexe Isaaq Aadan Berdaale iyo Saraakiil kale ayaa shalay galab kormeer dhiirigelin ah ugu tegay ciidamada loo daabulay bannaanada Baydhabo.
Ciidamada ayaa waxay haystaan drones-ka loo adeegsado sahanka iyo in lagu la socdo dhaqdhaqaaqyada, si ay ugu sii diyaargaroobaan haddii uu weerar soo socdo amaba ay uga hortaggaan.
GeneraL Cirro ayaa sii joogi doona Magaalada Baydhabo, si ay si nabadgelyo ah ugu qabsoomto Doorashada Gudoomiyaha Baarlamaanka, Kuxigeenadiisa iyo Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed.










