Militariga Somaliya oo boqolaal askari u dhaqaajiyay jiidda Gobolka Shabellaha Hoose
Taliska Militariga Somaliya ayaa maanta boqolaal askari u diray meelo ka mid ah jiidaha hore ee Gobolka Shabellaha Hoose, si ay uga qayb qaataan dadaalada lagu sugayo howlaha amniga ee doorashada 28-ka bishan ka dhaceysa gobolkaasi.
Gobolkan ayaa ka mid ah saddexda gobol ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ee la qorsheeyay in ay Talaadada soo socota ka qabsoomto doorashada tooska ee Kuraasta Golaha Deegaanka ee Degmooyinka iyo Golaha Wakiilada ee Baarlamaanka Koonfur Galbeed.
Qorshaha ayaa ah in laba iyo toban magaalo oo Koonfur Galbeed ah laga qabto doorashada dadweynaha, iyadoo shacabku ay safaf u geli doonaan goobaha codbixinta, si ay u soo doortaan xubnihii meteli lahaa. Gobolka Shabellaha Hoose oo kale ayaa waxaa doorashada laga qabanaya Baraawe, Marka, Afgooye iyo Wanlaweyn.
Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka, General Sahal Cabdullaahi Cumar ayaa ciidamadan oo lagu abaabulay Magaalada Muqdisho kula hadlay deegaan aan la sheegin oo gudaha Gobolka Shabellaha Hoose ah. Taliyaha oo ciidamada la dardaarmay ayaa xusuusiyay inay yihiin ciidan u taagan ilaalinta qaranka, diinta, dalka iyo dadka Soomaaliyeed.
"Haddaad dad shacab ah aragtaan si wanaagsan ha loola dhaqmo, dadka shacabka ah waa dadka aan u dhimanayno. Haddii kuwii aan u dhimanaynay ee aan rabnay inaan ilaalino aan iyaga dhibaatayno, sidee noqonaynaa, waa ceeb soo ma aha. Arrintaasi hadduu Ilaahay yiraahdo ha la iska ilaaliyo. Aad iyo aad baad u mahadsan tihiin." Ayuu yiri Taliyuhu.
Intaasi ka dib ciidamada ayaa iyagoo la socda gaadiidka waaweyn ee Ciidanka Xoogga Dalka u dhaqaaqay aagagga Gobolka Shabellaha Hoose, si ay u adkeeyaan amniga muddada doorashada iyo inay hawlgalo amni xaqiijin ah ka sameeyaan deegaanada ay lagama maarmaanka tahay in laga fogeeyo khatarta Al Shabaab.
Doorashadan ayaa macno weyn u leh Dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, waana doorashada loogu gogol xaarayo doorashooyinka kale ee isku sidkan ee 13-ka bisha May ka dhacaya deegaanada Hirshabelle iyo Galmudug.
















