Militariga Somaliya oo gacanta ku dhigay gaari hub u siday Al Shabaab
Militariga Somaliya ayaa sheegay in ay Gobolka Hiiraan ku qabteen gaari ay sheegeen inuu hub u siday maleeshiyada Al Shabaab.
Taliyaha Guutada 5aad ee Qaybta 27aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, Korneyl Maxamuud Xasan Ibraahim (Baakaay) ayaa sheegay in gaarigan oo noociisu uu ahaa Suzuki ay Sabtidii ku qabteen deegaAnka Baardheere ee duleedka Beledweyne.
Taliyaha oo Warbaahinta kula hadlay goob lagu soo bandhigay gaarigaasi ayaa tilmaamay in sidoo kale ay gacanta ku dhigeen 13 qori oo AK47 ah oo gaarigaasi saarnaa. Taliyaha ayaa xusay in gaarigu uu ku sii jeeday deegaanka Booco ee gobolkaasi.
"Gaarigan ayaa lagu siday hubka loo waday argagixisada. Gaarigu waa cusub yahay, buuggii lagu soo gaday ayaa saaran, qoryuhuna waa cusub yihiin oo indhaha ayaad uga jeedaan." Ayuu yiri Taliyaha.
Taliyaha ayaa iftiimiyay in ay horey u hayeen xogta gaariga iyo in uu jiro hub loo wado Shabaabka, qaabkii la doonaba ha loogu geeyee.
"Muddo laba maalmood ayaan haynay xogta gaarigan, qoryaha iyo in argagixisada hub u gudbayo uu jiro, qaabkuu rabo haku soo galo ama ganacsi haku yimaado ama meelo kale haka soo galo." Ayuu yiri Korneyl Baakaay.
Baakaay ayaa xaqiijiyay in uu baxsaday darawalkii waday gaarigaasi, isagoona yiri "Waa Ilaahay mahadiis in gacanta lagu soo dhigo gaarigan iyo 13 qori oo saarnaa, wadihii gaarigan wadayna cagihiisa ayuu ku baxsaday."
Tani ayaa ku soo aadaysa, iyadoo gobolku uu ka socdo dhaqdhaqaaq iyo abaabul ciidan oo ka dhan ah Shabaabka ka hawlgala daanta galbeed ee gobolkaas.
Gobolka ayaa waxaa sidoo kale ka socdo dadaalo lagu xaqiijinayo amniga Magaalada Beledweyne.