Mucaaradka Koonfur Galbeed oo laga cabsi qabo inay qabsadaan Xerada Manaas

Ciidamada Mucaaradka Koonfur Galbeed ee uu hoggaamiyo Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ayaa laga cabsi qabaa inay la wareegaan Xeradii Militariga Manaas ee Gobolka Baay, taas oo caqabad ku noqon karta qorshaha socda ee dib loogu furayo xeradaasi.
Xeradan oo 30km dhinaca waqooyi galbeed uga beegan Magaalada Baydhabo ayaa waxay ku taallaa jidka weyn ee ka baxa magaaladaasi ee aada Degmooyinka Qansaxdheere iyo Diinsoor.
Xerada ayaa dhacda goob istiraatiiji ah oo xakameysa ama suurtagelisa in lala socdo dhaqdhaqaaqa gaadiidka iyo ciidamada ee u kala gooshaya Degmooyinka Gobolka Baay iyo gobolada deriska la ah.
Wararka ayaa sheegaya in qaar ka mid ah ciidamada taageersan Ex Madaxweyne Cabdicasiis Laftagareen ay ku sugan yihiin meel u dhow Xerada Manaas.
Xerada Manaas ayaa xilligii Dowladdii Dhexe ahayd mid ka mid ah xeryaha ugu weyn ee lagu tababaro Ciidanka Xoogga Dalka ee Gobolada Koonfureed, waxaana goobta deganaa guutooyin ka tirsan militariga.
Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, General Ibraahim Maxamed Maxamuud iyo Taliyaha Dugsiga Tababarka Ciidamada ee TURKSOM ee duleedka Magaalada Muqdisho, General Sebahattin Kalkan ayaa 2-dii bishan tegay Magaalada Baydhabo, iyaga oo waday qorshe dib loogu furayay xeradaasi iyo xeryo kale oo ku yaala Gobolka Baay, iyadoona uu ujeedku yahay in la helo xeryo cusub oo lagu tababaro ciidamada, si Somaliya ay uga gudubto baahida ciidan iyo ku tiirsanaanta Ciidanka Midowga Afrika ee AUSSOM.
Saraakiisha Xarunta Taliska Qaybta 60aad ee Ciidanka Xoogga Dalka ee Baydhabo ayaa kuu sheegaya in ay jirto cabsi laga qabo in taageereyaasha Laftagareen ay qabsadaan Xerada Manaas amaba ay deggaan hareeraheeda.
Saraakiisha ayaa ku waramaya in tani ay dhibaato ku noqon karto dadaalada dib loogu furayo xeradaasi, oo la doonayo in lagu tababaro ciidamada, si loo soo saaro ciidamo cusub oo ka qayb qaata difaaca dalka.
Xeradan ayaa la doonaya in si gaar ah loogu tababaro cutubyada ku biiraya Ciidanka Qaybta 60aad ee Xoogga Dalka ee maleeshiyada Al Shabaab kula dagaalamaya Gobolada Shabellaha Hoose, Baay iyo Bakool.
Qaybtan ayaa waxay illaa iyo hadda ka kooban tahay Saddex Guuto, oo kala ah Guutooyinka 6aad, 8aad iyo 9aad oo ka hawlgala Gobolada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, kuwaas oo taliska laga xukumo uu ku yaalo Magaalada Baydhabo.
Turkiga oo ah saaxiibka ugu weyn ee Dowladda Federaalka ka taageera arrimaha amniga, dhismaha Ciidamada Qalabka Sida iyo tayayntooda ayaa hadda Villa Somalia kala shaqeynayay, sidii dib loogu furi lahaa Xerada Manaas, waxayna arrintan ku soo aadeysaa xilli xasaasi ah oo dhibaatooyin amni iyo kuwo siyaasadeed ay ka jiraan Koonfur Galbeed.
Ciidamada taabacsan Laftagareen ayaa la sheegaa inay si firfircoon u joogaan deegaanada qaar ee ku xeeran Magaalada Baydhabo, oo ay ku yaallaan xarumaha uu maamulku ku shaqeeyo.


