Mucaaradka oo looga digay inay gaadiidka dagaalka ku dhex kaxeystaan Muqdisho

Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa saqdii dhexe ee xalay warsaxaafadeed ka soo saaray is rasaaseyntii gelinkii dambe ee Arbacadii ka dhacday afaafka hore ee Saldhigga Booliska ee Degmada Warta Nabadda ee Gobolka Banaadir.

Warsaxaafadeedka ayaa lagu cambaareeyay fal guracan oo la sheegay in lagu weeraray saldhiggaasi, xilli uu kormeer shaqo u joogay Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, General Asad Cismaan Cabdullaahi oo uu wehliyo Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Banaadir, Korneyl Mahdi Cumar Muumin.

"Weerarka lagu qaaday saldhigga waxaa fuliyay maleeshiyaad hubeysan oo la socday xubno ka mid ah madaxdii hore ee dalka." Ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Warsaxaafadeedka ayaa waxaa lagu sheegay in ay saldhigga ka baxsadeen maxaabiis ugu xirneyd dembiyo culus iyo in dhaawac loo gaystay askartii ilaalineysay.

"Weerarka waxaa ka dhashay in ay fakadaan maxaabiis u xirneyd dembiyo culus oo saldhigga ku xirneyd, dhaawac loo gaystay askartii saldhigga waardiyeynaysay, burbur soo gaaray gaadiid meesha yaalay iyo saldhigga." Ayaa lagu sheegay warsaxaafadeedka.

Warsaxaafadeedka laguma xusin tirada maxaabiista baxsatay iyo waxa ay yihiin, marka laga soo tago in ay dembiyo culus ugu xirneyd saldhigga.

Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa Siyaasiyiinta Mucaaradka uga digay in aan gaadiidka dagaalka iyo hubka culus lagu dhex qaadan karin Magaalada Muqdisho, booliskuna uu tallaabo sharciga waafaqsan ka qaadi doono, ciddii aan dhageysan digniintooda.

Xilli Siyaasiyiinta Mucaaradka ay shacabka ugu baaqeen in ay Sabtida isugu soo baxaan mudaaharaad nabadeed ayuu Taliska Boolisku uu shacabka uga digay inay ku dhex milmaan dadka ay ujeedadoodu tahay baa warsaxaafadeedka lagu yiri inay carqaladeeyaan amniga dalka.

"Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed wuxuu shacabka Soomaaliyeed uga digayaa in ay ku dhex milmaan dadka ujeedadoodu tahay in ay carqaladeeyaan amniga dalka, fursadna u abuuraan maleeshiyaadka argagixisada ah oo dowladdu dagaalka kula jirto." Ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Warsaxaafadeedka ayaa lagu soo geba-gabeeyay "Ugu dambayn Ciidanka Booliska Soomaaliyeed waxa uu bilaabay baarista fal dembiyeedkii ka dhacay Degmada Warta Nabadda oo lagu weeraray Saldhigga Booliska, waxaana loo gudbin doonnaa hay'adaha awoodda u leh."