Muqdisho: Madal lagu soo bandhigay waxqbadka Xukuumadda Dan-Qaran

Madashan oo ahayd mid lagu soo bandhigayay waxqabadka Xukuumadda Dan-Qaran, lixdii bilood ee ay shaqeyneysay ayaa lagu qabtay Golaha Murtida & Madadaalada ee National Theatre.

Munaasabadda ayaa waxaa ka qaybgalay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, Raysal Wasaaraaha Xukuumadda, Xamse Cabdi Barre, Raysal Wasaare Kuxigeenka, Saalax Axmed Jaamac, Gudoomiyaha Golaha Shacabka, Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe), Golaha Wasiirada, Xildhibaano, Maamulka Gobolka Banaadir iyo bulshada qaybaheeda kala duwan.

Madashan ayaa lagu soo bandhigay waxyaabaha ay xukuumaddu ka qabatay arrimaha abaaraha, amniga & dagaalka dalka looga sifeynayo maleeshiyada Al Shabaab, dib-u-heshiisiinta, barnaamijka dayn-cafinta dalka iyo xiriirka wadamada caalamka.

Madashan ayaa sidoo kale su'aalo lagu weydiinayay Madaxda Xukuumadda Dan-Qaran, kuwaa oo dadku wax ka weydiinayeen waxyaabihii u qabsoomay, lixdii bilood ee ugu dambeysay.

Raysal Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa yiri "Waxaa naga go'an in aan la noolaano bulshadeenna, ka jawaabno su'aalahooda, sidoo kale dhageysano taladooda, tusaalahooda iyo toosintooda, intaba."

Raysal Wasaare Kuxigeenka Dalka, Saalax Axmed Jaamac ayaa isna sheegay “Dadaalada militari waxaa barbar socda, sidii degmooyinka la xoreeyay dhammaantood loo gayn lahaa boolis madani ah, Hay'adihii Garsoorka, Maamulka Dowladaha hoose, saddexdaas oo noqonaya dhidibada lagu dul dhisayo adeegyada bulshada, sida waxbarashada, caafimaadka iyo biyaha."

Wasiirada Gaashaandhigga, Arrimaha Gudaha, kan Dibadda, Caddaaladda, Waxbarashada iyo Wasiiro kale ayaa ballanqaaday in toddobaadkiiba mar ay wejihi doonaan bulshada.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ugu dambayn madasha ka hadlay ayaa ku ammaanay Xukuumadda Dan-Qaran in ay bilowday dhaqan cusub, oo ay dadweynaha wax kaga weydiinayaan howlaha ka socda xafiisyada.

"Caawa Xukuumadda Dan-Qaran ee uu hoggaamiyo Raysal Wasaare Xamse dhaqan cusub ayay bilaabeen, oo ah in ay u furan yihiin isla xisaabtan iyo in su'aalo la weydiiyo, dadkana u sharaxaan waxa lagu hayo xafiisyada dhexdooda." Ayuu yiri Madaxweynuhu.

Madaxweynaha ayaa yiri “Madashan waa ay sii socon doontaa, waxaana shacabka hor imaan doona aniga iyo masuuliyiinta kala duwan ee dowladda, si bulshada Soomaaliyeed ay xog-ogaal ugu noqdaan shaqada loo hayo."

Madaxweynaha ayaa tilmaamay, inkastoo Dowladda Federaalka ay xilli adag mareyso, haddana uu qorshaheeda xigga yahay, sidii dalka looga ciribtiri lahaa maleeshiyada Shabaabka.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo hadalqaaday caqabadaha horgudban dowladdiisa iyo fursadaha jira ayaa sheegay inay ka shaqayn doonaan hirgelinta qorsheyaasha horumarka iyo hiigsiga shacabka Soomaaliyeed, ka dib marka la soo afjaro dagaalkan ay dowladdu kula jirto Shabaabka, lana dhameystiro hannaanka dayn-cafinta iyo qabyo-tirka dastuurka, taas oo lagu gaari karo sida uu sheegay isku filnaan dhaqaale iyo nololeed, oo lagaga kaaftoomi karo ku tiirsanaanta deeqaha caalamiga ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa hoosta ka xariiqay inaanu Dastuurka Qabyo Qoraalka ahayn mid mashruuc ah, goor dhowna ay dhameystiri doonaan.

“Dastuurka Somaliya, dalka dibaddiisa looga hadli maayo. Dastuurku mashruuc ma ahan ee waa waddadii aan u mari lahayn hagaajinta aayaheenna. Hay’adaha Dowladda waxaa hortebin u ah in la dhameystiro Dastuurka KMG, sida ugu dhakhsaha badan."

Waa madashii ugu horreysay ee ceynkeeda ah oo si furan su'aalo loogu weydiiyo masuuliyiinta Xukuumadda Federaalka.