Muqdisho oo la ciir ciireysa ciidamo iska soo horjeeda

Xaaladda Magaalada Muqdisho ayaa aad u kacsan, iyadoo gelinkii dambe ee maanta illaa caawa ay ka dhaceen iska horimaadyo goos goos ah oo u dhaxeeyay Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwo taabacsan Siyaasiyiinta Mucaaradka ee ka tirsan Golaha Mustaqbalka Somaliya.

Isku dhacyada ayaa imanaya, ka hor mudaaharaadka ay mucaaradku qorsheeyeen inay Khamiista ka dhigaan magaalada, kaas oo lagu diidan yahay muddo kororsiga Dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Ex Raysal Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa waxa uu ku sheegay taliska uu waqtigiisu dhamaaday ee Madaxweyne Xasan Sheekh uu hoggaamiyo uu ku soo weeraray hoygiisa Muqdisho, iyagoo shir kula jira Ugaaska Beesha Murusade iyo Odayaasha Dhaqanka.

Khayre ayaa wax ayaan darro ah ku sheegay in mar labaad caawa lagu soo weeraray hoygiisa, iyadoo ay nala joogaan buu yiri guddiga dhexdhexaadinta ee uu hoggaaminayo Ugaas Maxamuud Cali Ugaas.

Wasaaradda Warfaafinta iyo Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa dhinacooda sheegay in maleeshiyaad ka amar qaata Xasan Cali Khayre ay weerareen ciidamada ka shaqeynaya nabadgelyada.

Wariyeyaasha ka hawlgala Muqdisho ayaa soo sheegaya in Ciidamada Dowladda ay caawa caweyskii weerareen hoyga Shariif Sheekh Axmed, Madaxweynihii hore ee dalka uu ku leeyahay Degmada Cabdicasiis, waana wax yar uun ka dib, markii Shariifku uu ka digay in la soo weeraro, haddii kalena uu iska caabin doono.

Wararka ayaa sheegaya in xabaddu ay istaagtay, isla-markaana ay ciidamadu ku sugan yihiin meel aan sidaasi uga fogayn hoyga Shariif Sheekh Axmed.

Dhanka kale Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka ayaa cutubyo ka tirsan Ciidamada Militariga ka soo saaray furimaha Gobolada Shabellaha Hoose iyo Shabellaha Dhexe, iyagoona isugu keenay bartamaha magaalada, kuwaas oo haatan lagu arkayo Waddada Maka Al Mukarama.

Ciidamada laga soo saaray aagagga dagaalka ayaa waxaa qayb ka ah Ciidanka Kumaandooska Gorgor, waana markii ugu horreysay oo walaac amni oo ka jira Muqdisho awgeed loogu soo celiyo magaaladii ay sanado ka hor ka qalab qaateen.

Dhaqdhaqaaqyadan ciidan ee ka jira magaalada ayaa xiisad baahsan ka huriyay gudaha caasimadda, wuxuuna qof walba oo reer Muqdisho uu isweydiinaya, waxa berrito dhici kara.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa maanta ogolaaday in bannaanbax nabadeed laga dhigi karo magaalada, iyagoona xididay in saddex goobood oo keliya lagu qaban karo, halka Siyaasiyiinta Mucaaradka ay doonayaan in ay bannaanbaxa ka qabtaan magaalada oo dhan.

Dad u badan qoysas ayaa bilaabay inay ka barakacaan meelaha ay ku wada sugan yihiin ciidamada iska soo horjeeda.

Waxaan oo dhan waxay imanayaan, iyadoo uu buuq xoog leh ka taagan yahay muddo dhaafka Madaxtooyada iyo Baarlamaanka, isla-markaana ay mucaaradku dalbanayaan in lagu heshiiyo nooc doorasho oo si dhakhsa ah dalka looga qaban karo.