Muqdisho oo lagu qabtay munaasabadda sanad guurada 1aad ee Hawlgalka ATMIS

Hal sano ayaa laga joogaa markii Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey uu Hawlgalka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM u bedelay ATMIS.

Munaasabad lagu maamuusayay sanad guurada koowaad ee Hawlgalka ATMIS oo xalay lagu qabtay Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka qaybgalay masuuliyiin uu ka mid ahaa Raysal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka, Xamse Cabdi Barre.

Raysal Wasaaraha ayaa Ciidanka Midowga Afrika uga mahadceliyay dadaalkooda naf hurnimada ee ku aaddan nabadeynta iyo xasillinta dalka.

Raysal Wasaaraha oo soo hadalqaaday dagaalka dalka looga ciribtirayo kooxaha argagixisada iyo guulaha laga gaaray ayaa waxa uu sheegay in Xukuumadda DanQaran ay ku guuleysatay xoreynta in ka badan 70 magaalo iyo tuulooyin dhaca saddex gobol, kuwaa oo uu sheegay in hadda ay xor yihiin, dowladduna ay ka hirgelinayso adeegyadii aasaasiga ahaa ee bulshada.

“Waxaan rajeynaynaa in aan aragno Somaliya cusub mustqablka dhow, Somaliya ka xarowday dayn, Al Shabaab iyo xasillooni darro siyaasadeed. Waxaana ku hanweynahay xaqiijinta taageero aan ku hiigsano himilooyinkeenna istiraatijiga ah." Ayuu yiri Raysal Wasaaruhu.

Raysal Wasaaraha ayaa tilmaamay in istiraatiijiyadda ay xukuumaddiisu ku wajahday kooxahaasi ay horseeday in jab xoog leh lagu gaarsiiyo.

Raysal Wasaare Barre ayaa sheegay in dalalka safka hore ay haatan diyaar u yihiin in ay ku soo biiraan hawlgalka ay tahay in lagu soo afjaro, waxa uu ugu yeeray Khawaarijta.

Barre ayaa ugu dambayn sheegay in xukuumaddiisu ay sii wadi doonto wada shaqaynta dhow, ee ay la leedahay Taliska ATMIS iyo saaxiibada caalamiga, si loo xaqiijiyo Somaliya oo horumar iyo xasillooni ku naaloota.