Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu dilay dalka Koonfur Afrika

Wararka ka imaanaya dalka Koonfur Afrika ayaa sheegaya in xalay dalkaasi lagu dilay muwaadin Soomaaliyeed.

Warar is khilaafsan ayaa ka soo baxaya cidda dishay muwaadinkaasi Soomaaliyeed. Wararka qaar ayaa sheegaya in ay dileen kooxo burcad ahaa, halka warar kalena ay sheegayaan in uu ku geeriyooday is rasaaseyn dhex martay ciidan dharcad ahaa oo doonayay in ay hub ka baaraan goob ganacsi, oo uu ku lahaa duleedka Magaalada Port Elizabeth, balse uu ka shakiyay. Waxaa la sheegaya in marxuumku uu haystay qori u sharciyeysnaa.

Wararka ayaa sheegaya in is rasaaseyntaasi uu sidoo kale ku dhaawacmay askari ka tirsanaa ciidankii dharcadka.

Marxuumka oo lagu magacaabi jiray Maxamed Deeq Madar Carab ayaa ka mid ahaa ganacsatada Soomaaliyeed ee degan dalkaasi.

Ganacsatada Soomaaliyeed ee ku nool dalkaasi ayaa muddo dheer kooxaha burcadda kala kulmayay dil, dhaawac iyo boob ay kula kacaan goobahooda ganacsi.

Booliska Koonfur Afrika ayaa lagu eedeeyaa in ay aalaaba ku guuldareystaan, sidii ay sharciga u horkeeni lahaayeen dembiileyaasha.