Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu dilay Magaalada Copenhagen ee dalka Denmark

Muwaadinkan Soomaaliyeed ayaa habeen hore lagu dilay Caasimadda Copenhagen, xilli uu ku booqanayay gabdho la dhashay oo degan.
Rabiile Shire Xuseen oo ka yimid Magaalada Odense oo uu deganaa ayaa dilkiisa loo adeegsaday toorey, iyadoona ay boolisku sheegeen in ay laba nin u soo qabteen dilkiisa.
Liibaan Shire Xuseen ayaa sheegay inaanay garanayn cidda dishay walaalkii, balse uu ku tuhmayo in ay Soomaali dishay.
"Rabiile da'diisu waxay ahayd 48 sano, wuxuu deganaa magaalo la yiraahdo Odense, wuxuuna ku geeriyooday magaalada caasimadda ah ee Copenhagen." Ayuu yiri Liibaan Shire.
Liibaan Shire oo VOA la hadlay ayaa yiri "Illaa hadda annaga ma ogin sababta loo dilay, laakiin booliska siday xaqiijiyeen, waxay sheegeen in ay laba nin kiiskaasi u soo xireen, maadaama ninkani mindi la geliyay, annagana sida aan naqaano dadkan caddaanka mindi ma isticmaalaan, oo Soomaalidaa isticmaasho, sida aniga aan ku tuhmayo in ay Soomaali yihiin."
Liibaan Shire ayaa tilmaamay in laamaha amniga ay baaritaan ku wadaan meydka walaalkii, wixii berrito ka dambeeyana ay rajeynayaan in ciidamadu ay ku soo wareejiyaan.
"Marxuumka hadda meydkiisu wuxuu yaallaa Isbitaalka Kaiser, waa Isbitaalka Weyn ee Copenhagen, berri wixii ka dambeeyo ayaana la fasixi doonnaa, oo annagana aan arki doonnaa, hadduu Ilaahay yiraahdo." Ayuu yiri Liibaan Shire.
Haddii la xaqiijiyo in dilkan ay gaysteen dhallinyaro Soomaaliyeed ayaa waxay walaaca ku kordhin doontaa waalidiinta Soomaaliyeed ee ku dhaqan wadamada Reer Galbeedka, kuwaa oo in muddo ahba ka walaacsanaa dilalka ay isu gaystaan dhallinta Soomaaliyeed dhexdooda.


