Muwaadiniintii ugu horreyay oo laga soo daadgureeyo Suudaan oo Muqdisho ka soo degay
Dowladda Federaalka ayaa maanta dalka dib ugu soo celisay muwaadiniintii ugu horreysay ee Soomaaliyeed, ee laga soo samata-bixiyo dagaalka dalka Suudaan.
Diyaarad sidday 18 qof oo laga soo daadgureeyay xadka labada suudaan ayaa ka soo dejisay Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde, halkaas oo ay ku soo dhaweeyeen masuuliyiin ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda.
Kusimaha Xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda ahna Isku-xiraha Guddiga Dowladda Somaliya u xilsaartay soo daadgureynta muwaadiniinta Soomaaliyeed, Cabdiraxmaan Nuur Maxamed (Diinaari) ayaa sheegay in diyaarad gaar ah oo laga leeyahay dalka Kenya ay dadkaasi ka soo qaadday dalka Koonfurta Suudaan.
Diinaari ayaa Wakaaladda Wararka SONNA u sheegay in Dowladda Federaalka ay ku howlan tahay, sidii ay dalkooda dib ugu soo celin laheyd muwaadiniinta ay saameynta ku yeelatay colaadda dalkaasi.
Dhowr kun oo muwaadiniin Soomaaliyeed oo arday u badan ayaa ku go'doonsan Magaalada Khartoum, tan iyo markii 15-kii bishan uu ka qarxay dagaalka u dhaxeeya labada janaraal ee ugu awoodda badan ciidamada dalkaasi.
Muwaadiniintan ayaa bilow u ah qorshaha Dowladda Federaalka ay dalkaasi kaga soo samata-bixineyso muwaadiniinta Soomaaliyeed, ee ay xaaladda adagi ku qabsatay Caasimadda Khartoum.
Soomaalida ayaa qayb ka ah muwaadiniinta shisheeye, ee ay dowladahoodu bilaabeen in ay dalkaasi ka daadgureeyaan.









