MW Koonfur Galbeed oo dhiirigelin ugu tegay ciidamada, ka dib dhacdadii Burjeed

Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ayaa dhiirigelin ugu tegay ciidamada, ka dib markii cutubyo ka tirsan ciidamada ay saakay maleeshiyada Al Shabaab ku jebiyeen weerarkii ay ku soo qaadeen deegaanka Burjeed, iyadoo dhanka kalena uu Madaxweynuhu ciidamada u sheegay in duulaan cusub la qaadayo.

Burjeed oo hoostagta Magaalada Baydhabo ayaa ka mid ah goobaha laga ilaaliyo amniga magaaladaasi, waxayna Al Shabaab dooneysay inay la wareegto deegaankaasi.

Shabaabka ayaa iska caabin xoogan kala kulmay ciidamada, oo ka hor istaagay in ay la wareegaan gacan ku haynta deegaankaasi. Shabaabka ayaana la sheegay in ay goobta uga carareen meydadka xubno iyaga ka mid ahaa, kuwaas oo markii dambe lagu soo bandhigay bartamaha Baydhabo.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa ciidamada ku booqday goobaha ay ka ilaaliyaan amniga magaalada, waxaana uu sheegay in ciidamadii kale ee ay isku tababarka ahaayeen la arkay natiijada tababarkii ay qaateen.

Madaxweynaha ayaa ciidamada ku wargeliyay in la weerarayo goobaha ay maleeshiyada Al Shabaab ku sugan yihiin, isla-markaana aan hadda ka dib la sugi doonin inta ay wax soo weerarayaan.

"Waxaa la idiinka rabaa meel kastoo ay joogaan, xero kasta oo ay degan yihiin iyo tuulooyinka ay dadka ku dhibayaan inaad ugu tagtaan. Lama sugayo ee waxaa loogu tagayaa magaalooyinka, tuulooyinka iyo meel kasta oo ay iyagu joogaan." Ayuu yiri Madaxweynuhu.

Madaxweynaha ayaa sheegaya "Waxaan idiin rajeynayaa guul iyo gacmihiina oo buuxa, waxaana inoo ballan ah Shabaab oo Koonfur Galbeed dambe ku dhibaateyneyn shacabkeeda, dhallinyaradeeda iyo haweenkeeda."

Madaxweyne Laftagareen oo sii hadlayay ayaa yiri "Nin burcad ah oo meel kale ka yimid oo wax uu u dagaalamayo maanta aysan jirin, dal iyo dadna aan u maqneyn oo ajnabi u dagaalamaya ayaa lala dirirayaa."

Laftagareen ayaa ciidamada faray inaysan garab marin hadafka hawlgalkoodan, isla-markaana ay kabaha la gishtaan Shabaabka muddada dheer daashaday shacabka Soomaaliyeed.

"Marka waxaa la idiinka rabaa hawlgalka inuu ahaado, sida aan isku ognahay. Ninka la qabto in la sugo oo meelna aad saartaan, haddii Ilaahay yiraahdo." Ayuu yiri Laftagareen.

Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed ayaa hadalkiisa ku xoojiyay "Garabkiina ayaan nahay shacab iyo dowladba, mana la idiinka harayo oo meel kasta aad tagtaanba waa la idiinka daba imaanaa. Waxaa idiin la jiro Wasiirada, Madaxweynaha, dhallinyarada, odayaashii dhaqanka, nin kasta idinka ayuu idiin la jiraa. Taageerada ayaa la idiin la garab taagan yahay."