MW Xasan Sheekh oo sheegay in Shabaab ay nolosha u diidan yihiin shacabka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maleeshiyada Al Shabaab ku eedeeyay in badanaa ay qaraxyada la beegsadaan meelaha ay dadka shacabka ah ku badan yihiin.

Madaxweynaha ayaa sheegay Shabaabka in keliya ay ujeedadoodu tahay in ay nafo badan galaaftaan, iyagoo aan wax naxariis ah u hayn shacabka aan waxba galabsan.

"Qaraxa wuxuu noqday dabeecadda lagu doortaa meesha dadka badani joogo. Meeshaan dad badan ma joogaa, haa i geey aan isku qarxiyee." Ayuu yiri Madaxweynaha oo maanta xarigga ka jaray xarunta cusub ee Wasaaradda Diinta & Awqaafta.

Madaxweynaha ayaa u muuqday mid daba jooga weerarkii ismiidaaminta ee Axaddii lagu qaaday dhallinyaradii dooneysay in ay ku biiraan Ciidanka Xoogga Dalka ee lagu bartilmaameedsaday afaafka hore ee Xerada Damaanyo ee Magaalada Muqdisho.

Al Shabaab oo sheegatay masuuliyadda weerarkaasi ayaa inta la ogyahay waxaa ku dhintay dhowr iyo toban nin oo dhallinyaro ahaa, halka illaa labaatan kalena ay ku dhaawacantay.

Madaxweynaha Dowladda Federaalka ayaa sheegay in ciidamadu ay horey wax badan uga qabteen qaraxyada Shabaabku ka gaysanayaan magaalada, welina ay diyaar u yihiin in ay ka hortaggaan weerarada ay xubnaha Shabaabka ahi ku beegsanayaan dadka rayidka ah.

"Cawo iyo casir waxaan dhiig badan u bixinoonaa ummadda in laga qabto. Shuhadada dhabta ah kuwa kaas hortaagan waaye oo u diidan in dadka uu qarxiyo." Ayuu yiri Madaxweynuhu.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhanka kale sheegay in ay jiraan xubno horey uga tanaasulay fekerka Shabaabnimada, oo maanta ka mid ah Saraakiisha Ciidamada & Shaqaalaha Dowladda Federaalka iyo qaar kale oo sida uu sheegay iska ganacsada.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in ay dowladda ku soo dhaweynayaan kuwa weli ka tirsan Al Shabaab ee go'aansada in ay isaga soo baxaan.

"Kii ka soo noqdo xabadkaa saaraynaa, waana soo dhaweynaynaa. Dadkiisa Soomaaliyeed ayuu ka mid noqonaa oo muwaadin ayuu noqonaa, muwaadinimadiisaa xaqiiqoobeysa. Muwaadin kastoo Soomaaliyeed ayuu la xuquuq yahay." Ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweynaha ayaa intaasi ku daray "Marka waxaan mar kale ugu baaqaynaa qolooyinkaas in ay u soo noqdaan ummadooda, waddada saxda ah iyo diintooda saxda ah."