MW Xasan Sheekh "Puntland waxaan leenahay dadka rabitaankooda iyo dareenkooda hala tixgeliyo"

Madaxweynaha Dowladda Federaalka, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay inaysan jirin deegaan gaar ah, oo ay maanta colaadinayaan Madaxda Qaranka Soomaaliyeed, isla-markaana ay raadinayaan Soomaali heshiis ah, dunidana heshiis la ah.

"Dowladda Somaliya iyo madaxdeedaba dad Soomaaliyeed oo deegaan Somaliya ka tirsan degan, oo ay dulmi u ogolyihiin oo ay xumaan la rabaan oo inay fashilmaan aan la rabno oo inay is dilaan aan rabno oo inay qaybsamaan aan rabnaahi ma jiro. Soomaali heshiis ah, dunidana heshiis la ah ayaan raadinaynaa. Soomaali heshiis ah dhexdeeda inaan ka been sheegno ama aan ka munaafaqayno ma rabno." Ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in warmurtiyeedkii 27-kii bishii May ka soo baxay Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ay kaga hadleen Puntland iyo doorashadeeda, isla-markaana ay jecel yihiin wanaagooda oo qura.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxda Puntland ugu baaqay inay ixtiraamaan rabitaanka iyo dareenka dadka, isla-markaana aanay mucaadarin heshiiskii Madaxda Dowladda Federaalka iyo kuwa Dowlad Goboleedyada ku gaareen Magaalada Muqdisho.

"Maalin dhaweyd bayaankii Golaha Wadatashiga ka soo baxay waad aragteen, Puntland-na iyo doorashadeeda waan uga hadalnay, wanaagaa la jecelnahay, inay guuleystaanaa la jecelnahay, inay nabadoobaanaa la jecelnahay, keliya waxaan leenahay dadka rabitaankooda iyo dareenkooda hala tixgeliyo." Ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh oo Salaadda Jimcaha ka dib ka hadlayay Masjidka Madaxtooyada Qaranka.

Madaxweynaha ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay "Waxaan ka codsanayaa dadka Soomaaliyeed iyo hay'adahooda laba waxyaabood, (1) Daacad inay ka noqdaan oo danta guud maxaa ku jira inay yiraahdaan, tooda inay meeldhigtaan. (2) Inay dhiiradaan oo cabsida aan iska yareyno, meeshaan haddaad ka tagtid reer hebelaa idin boobayo, reer hebelaa idinka qaadanayo, waa la idinka tiro badan yahay aysan is dhihin. Siyaasaddu tiro badnaan ma ahan, daliil waa loo hayaa oo Somaliya ah, siyaasaddu inaysan tiro badnaan ahayn, siyaasaddu waa abaabulnaan, siyaasaddu hadba waa sidaad isku abaabushid."

Hadalka Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa imaanaya, xilli Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni uu si adag uga horyimid qodobii ka soo baxay Shirkii Golaha Wadatashiga Qaran ee toddobaadkii hore lagu soo geba-gabeeyay Caasimadda Muqdisho.