Nin dhallinyaro ahaa oo lagu dilay Magaalada Baydhabo

Askari ka tirsan Ciidanka Booliska Koonfur Galbeed ayaa xalay Magaalada Baydhabo ku dilay nin dhallinyaro ahaa, halka mid kalena uu ku dhaawacay.

Askarigan ayaa rasaas ku furay mooto bajaaj ay la socdeen dhallinyaradan, oo caweyskii xalay mareysay xaafadda Wadajir ee magaaladaasi.

Wararka ayaa sheegaya in ninka askariga ah uu ka hortagayay darawalkii mooto bajaajta waday, oo uu u arkayay mid sharciga jebiyay, waana xilli gaadiidleyda mooto bajaajta aanay ka shaqayn karin Magaalada Baydhabo, wixii ka dambeeya 7-da fiidnimo. 

Wararka ayaa intaasi ku daraya in askarigu uu ka baxsaday goobtaasi, oo markii dambe ay gaareen ciidamada amniga.

Dhibaneyaasha ayaa ahaa rakaabkii la socday mooto bajaajta, sida uu Universaltv u sheegay Cali Aadan Isaaq, oo ay saaxiibo ahaayeen marxuumka oo lagu magacaabi jiray Suheyb Awkey (Isgoowe). 

"Allaha u naxariisto Suheyb Awkey wuxuu ka mid ahaa dhallinyarada Magaalada Baydhabo, isagoo mootadaasi saaran ayay gacan ka xaqdaran ay dishay. Waa dhacdo naxdin badan, hadda ayuu ku jiray qaban-qaabada arooskiisa." Ayuu yiri Cali Aadan.

Cali Aadan ayaa yiri "Waa sax maamulka ayaa mamnuucay inaysan mooto bajaaj ka shaqayn karin magaalada, wixii ka dambeeyo hal saac (7:00pm) habeenimo, laakiin askarta xaq uma lahan inay rasaas ku furaan shacabkii ay amnigooda ilaalinayeen. Qofka inta la soo qabto ayaa la xiri karaa, ma ahanee rasaasaa iskaga furaa, wax sharci ah ma ahan."

Maamulka Degmada Baydhabo iyo laamaha amniga ayaan weli ka hadlin dhacdadaasi.