Nin dhallinyaro oo hooyadii ku dilay Magaalada Kismaayo
Ciidanka Booliska Jubbaland ayaa gacanta ku soo dhigay eedeysanaha, oo sida la sheegay maanta hooyadii ku dilay hoygooda oo ku yaala Magaalada Kismaayo.
Ninkan ayaa la sheegay in mindi uu la dhacay hooyadii, oo dhaawicii ka soo gaaray ugu geeriyootay isbitaal ku yaala magaaladaasi.
Dhacdadan ayaa ka dhacday xaafadda Farjano, gaar ahaan dhinaca Dalxiiska, iyadoona ay argagax badan ku beertay bulshada reer Kismaayo.
Taliska Booliska Jubbaland ayaa dadka deegaanka ku ammaanay inay kala shaqeeyeen, sidii ay gacanta ugu soo dhigi lahaayeen ninkaasi.
Gaashanle Sare Xuseen Cali Xaashi, Taliye Kuxigeenka Ciidanka Booliska Jubbaland ayaa sheegay in eedeysanaha lagu magacaabo Xasan Cabdullaahi Cabdi Shire, isla-markaana uu dilay hooyadii oo lagu magacaabi jiray Xaliimo Xasan Cumar.
Taliye Kuxigeenka ayaa sheegay in hooyo Xaliimo ay ninkan dalka ugu soo celisay dhaqancelin, balse markii dambe sababsatay gacantiisa.
Allaha u naxariistee marxuumadda ayaa lagu wadaa in lagu aaso Khabuuraha Magaalada Kismaayo.
Dhacdadan ayaa noqotay midda loogu hadalhaynta badan yahay Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose.











