Nin gabar uu si hoose ku qabay ku dilay Magaalada Beledweyne

Dhacdadan ayaa saakay ka dhacday xaafadda Nuur Xawaad ee Magaalada Beledweyne, ka dib markii ninkaasi uu ka carooday qoyska gabadha oo sida la sheegay nin kale ku mehriyay.
Ninkan oo magaciisa lagu sheegay Cabdishakuur Daahir Mire ayay wararku sheegayaan in gabadha uu ku balamiyay hoygii uu ka deganaa xaafaddaasi, ka dibna uu rasaas madaxa kaga dhuftay.
Ciidanka Booliska oo gaaray goobta uu dilku ka dhacay ayaa ka qaaday meydka gabadhaasi, oo magaceeda lagu sheegay Farxiya.
Nin ka mid ah dadka deegaanka ayaa sheegay in Cabdishakuur Daahir uu barraha bulshada ku arkay hambalyada meherka ee gabadhii uu qudba-sirada ku qabay, taasina ay ku riixday in gabadhaasi uu dilo.
Wararka ayaa sheegaya in Cabdishakuur Daahir uu dilka ka dib ka baxsaday goobta, laamaha amniguna ay ku daba joogaan.
Saraakiisha Booliska ee Saldhigga Beledweyne ayaa sheegay in sida baaritaanka ku cad uu eedeysanuhu dilka u adeegsaday qori AK47 ah.
Saraakiishu waxay sheegeen inay ku raad jooga ninkaasi, oo hadda baxsad kaga maqan sharciga.
Dilalka argagaxa leh ee bulshada dhexdeeda ayaad mooddaa in muddooyinkanba ay ku soo badanayeen deegaanada Soomaalida.


